Warbixin: Chelsea Oo Qiimaha Neymar Junior Kala Heshiisay Barcelona & Antonio Conte Oo Hor Istaagay.

120

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya talyaaniga Antonio Conte ayaa hor istaagay dalab uu Roman Abramovich ku doonayay inuu kula soo saxiixdo Neymar Junior.

Jariiradda kasoo baxda magaalada Turin ee Tuttosport ayaa shaaca ka qaaday in milkiilaha kooxda Blues Roman Abramovich uu heshiis la gaaray Barcelona isagoo miiska u saaray 180 Malyan Oo Euro oo u dhiganta 155.5 Malyan oo Pound.

Balse hal kulan ayaa arintaas lagu burburiyay kadib markii Antonio Conte uu kulan la qaatay Roman Abramovich kadib guushii ay ka gaareen Stoke City sabtidii lasoo dhaafay markaas oo macalinka reer talyaani uu maamulahiisa u sheegay inuu bartilmaameedyo kale leeyahay..

Tuttosport ayaa sheegtay in Roman uu garwaaqsaday hadalka Conte isagoo diidaya inuusan ka hor imaan madama si aad ah loola xiriirinayo Inter Milan.

Comments

comments