War Deg Deg Ah: Qarax Midaamsan Oo Imika Ka Hilaacay Muqdisho + Khasaaraha Ka Dhashay

330

Qarax aad u weyn ayaa goor dhoweyd waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho , waxaana qaraxaas ka soo baxaya warar kala duwan

Daryanka qaraxan oo si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho , warar hordhac ah oo soo gaadhaya shabakada Ilaysnews.com waxay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka hotelka City Center oo ku dhow taalada Xaawo Taako.

Warka ayaa intaas ku daraya in gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo marayey wadada horta hotelkaas uu si lama filaan ah u qarxay, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada dowlada ayaa xidhay goobta uu qaraxa ka dhacay oo aan wax badan ka fogeyn agagaarka tiyaatarka Qaranka oo maalmo ka hor uu ka dhacay qarax

Comments

comments