Hazard & Courtois → Real Madrid – James & Morata → Chelsea = Waa Qorshaha Ay Damacsan Tahay Los Blancos.

506

Real Madrid ayaa isku dayi doonta iney lasoo saxiixato xidigaha Chelsea Eden Hazard iyo Thibaut Courtois, iyadoo dooneysa iney ku wareejiso xidigaha James Rodriguez iyo Alvaro Morata.

Waxaa la joogaa waqtigii la dooran lahaa madaxweynaha cusub ee kooxda Real Madrid, Florentino Perez ayaana rajeynaya inuusan qatar galin, wuxuuna doonayaa inuu sameeyo saxiixyo Glatico ah.

Eden Hazard ayey kooxd aad ugu baahan tahay iyadoo Zidane uu qorsheynayo inuu Ronaldo kasoo guuriyo numberka 9-aad ee kooxda.

Perez wuxuu doonayaa in Keylor Navas uusan goolka kusii jirin isla markaana uu soo xareeyo Courtois, hadii ay waayanna De Gea oo ka tirsan Manchester United.

James iyo Alvaro ma rajeynayaan iney boos ka helaan Real Madrid xagaaga soo socda madama saxiixyo Glatico ah la sameyn doono, balse lama oga hadii Chelsea ay aqbali doonto qorshahaan

Comments

comments