Somalia: Madaxweynaha Somaliya Oo Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Kenya

122

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo booqasho rasmi ah oo saddex cisho uga bilaabatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahayd wasiirka arrimaha dibada Aamino Maxamed, Aadan Barre Ducaale oo ah hogaamiyaha xildhibaanada baarlamaanka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

Booqashadan oo ah tii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Kenya tan iyo markii loo dhaariyay madaxtinimada dalka Soomaaliya horaantii bishii hore ayaa waxaa uu ka qeybgalayaa shir loogaga hadlayo arrimaha abaaraha iyo qaxootiga.

Inta uu joogo Madaxweyne Farmajo dalka Kenya ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyagoo ka wadahadli doono xiriira labada dal.

Comments

comments