Somaliland: Ma Dhabaa Inu Maxamuud Xaashi Damacsanyahay Inu Dib Ugu Istaadho Loolanka Guddoomiyanimo Ee Xisbiga Kulmiye?

342

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa dagaal cusub oo siyaasadeed la sheegay in uu ku bilaabay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, isaga oo kula gor gortamaaya xilka Guddoomiyenimo ee xisbigaasi.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa adeegsanaaya guddida Barriga Burco ee Gar’adag, kuwaas oo warar ay baahiyen warbaahinta qaar ka mid ahi sheegeen inay ilaa xalay guriga Guddidaasi ee Hargeysa ay ku lahaayeen shirar.

Shirarkan ayaan ilaa hadda la shaacin waxyaalaha ugu waaweyn ee lagaga hadlaayey, iyada oo la filaayo in shirkaasi ku saabsanaa sidii cadaadis loogu saari laahaa Muuse Biixi Cabdi soo wareejinta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Dhowaan ayay ahayd markii guddidaasi dhaliilo usoo jeedisey Guddoomiye Muuse Biixi iyo xisbigiisa, iyaga oo ku tilmaamay kuwo marin hababiyey xisbigaasi.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo isagu ah siyaasiga u taagan waqtigan qabashada Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa wada olole adag oo uu ku cadaadinaayo Guddoomiye Biixi sidii uu xilkaasi Guddoomiyenimo ugu soo wareejin lahaa.

Waxa kale oo iyaguna jira siyaasiyiin kale oo isla Beesha Barriga Burco ah , kuwaas oo xilkan Hunguri ka hayo, waxaana ugu horeeya Afhayeenka xisbigaasi Xasan Gaafaadhi, gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Maxamed Kaahin kuwaas oo iyagu oo si toosa ula safan Guddoomiye Muuse Biixi.

Khilaafkan ayaa haddii uu sii xoogaysto kala kaxayn kara cududa xisbigaasi, iyada oo ay u kala jabi karaan laba garab.

Comments

comments