Somalia: Madaxweyne Farmaajo Oo Baaq Codsi Ah U Diray Baarlamaanka Faderaalka Somaliya

257

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa waxaa uu ka hadley golihii wasiirada ee uu magacaabey ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre waxaana uu u soojeediyey amaan xoogaan

‘’Ra’iisal wasaaraha markii aan soo magacaabay waxaan ka dalbaday in mudo 15 cisho ah uu ku soo dhiso xukuumad, muddadii aan u qabtay waxey dhaaftay lix cisho oo kaliya, waa maalmo aad u kooban marka la eega waqtiga uu sharciga u ogolaanayo ee 30ka cisho’’ ayuu yidhi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda uu ku qabo xubnaha cusub ee gollaha wasiirada la soo magacaabay.

‘’ Waxaan u arkaan golahan wasiirada cusub oo waliba qaarkood aan aqaanno in ay yihiin kuwo ka bixin kara howsha loo idmaday’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Ugu danbeyntii, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyaan golaha wasiirada oo looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu adeegaan bulshada.

Comments

comments