Tababare Arsene Wenger Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Arsenal Kadib Guuldaradii West Brom.

170

Tababare Arsene Wenger ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa garoonka Emirates Stadium kadib markii uu goob joog u noqday wiilashiisa oo 3-1 ku luminaya kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo ay shalayto la yeesheen West Brom.

Macalinka reer France ee mudada 21-ka sano ah maamulaya Arsenal ayaa shaaca ka qaaday inuu dhawaan la wadaagi doono dadka kubadda cagta go’aankiisa balse hadda aysan aheyn waqtigii uu qof walba u sheegi lahaa go’aankiisa.

Go’aanka uu qaatay Arsene Wenger lama oga waxa uu noqon doono [Inuu joogayo iyo inuu ka tagayo Arsenal], balse waxaa muuqata in ninkaan reer France uu cadaadiska kusii kordhayo isla markaana ay Arsenal qatar ugu jirto iney weyso xagaaga dambe tartanka Champions League.

Afar guuldaro ayey heleen shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka waana rikoorkii ugu xumaa ee ay la kulanto kooxdaan tan iyo 1995, waxaana haatan calaamad su’aal weyn la saaray hadii ay ku dhameysan karto afarta sare, waana wax aan dhicin mudada Wenger.

Dhinaca kale Arsene Wenger arintiisa waxaa ku kala qeybsamay Jamaahiirta kuwaas oo laba duulimaad oo fariimo xambaarsan dulmariyay garoonka Hawthrons ee ay leedahay kooxda West Bromwich Albion.

Bilowgii ciyaarta waxaa garoonka la dulmariyay diyaarad xambaarsaneyd fariinta “No Contract, Wenger Out” halka fariintii xigtay ay aheyd “In Arsene We Trust #Respect”.

“Ha walwalin, waan garanayaa wixii aan sameyn lahaa mustaqbalka, waad ogaan doontaa dhawaan, waliba goor dhaw, waadna arki doontaa. si lagama maarmaan ah ugama walwalsani arintaas, waan garanaya waxa aan sameyo” ayuu yiri Arsene Wenger mar wax laga weydiiyay arimaha mustaqbalkiisa.

Ugu dambeyntiina Gunners waxey gali doontaa booska 6-aad ee horyaalka hadii Manchester United ay guul ka gaarto Middlesbrough kulanka galabta dhici doona.

Comments

comments