Somaliland: Guddoomiye Cirro Muxu Ka Yidhi Xaalada Abaaraha Iyo Mudo Kurdhinta

160

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waraysi uu ku siiyay London laanta afka-soomaaliga ee BBC-da shalay, wuxuu waraysigaas oo shan daqiiqo iyo 11 ilbidhiqsi socday kaga hadlay xaaladda Somaliland gaar ahaan doorashooyinka, abaaraha iyo heshiiska saldhigga Millatari. hadalkiisii oo badnaa waxaan hoosta ka xariiqay intan: “Arrinta saldhigga millatari ee laga bixinayo magaalada Berbera, mowqifkayga shakhsiga ah iyo ka xisbiga WADDANI-ba waa mowqif diidmo ah, sababtoo ah mashruuc horumarineed uma aragno, jaamacad ummada loo dhisayo uma aragno, waxaannu u aragnaa hanti ay leedahay ummada Somaliland oo siday xukuumaddu sheegtay bilaash loo bixiyay oo dhulkaasina noqon doono mid uu leeyahay dalka la siiyay dhulkaas, wuxuu noqon doonaa xarun millatari oo loo adeegsan doono arrimo millatari, taasi oo Somaliland u keeni karta dhibaato iyo dagaal, Saldhiggani inuu amniga Somaliland wax u dhimayo ayaanu annagu (xisbi ahaan) u aragnaa.”

Comments

comments