Somalia: Jawiga Muqdisho Oo Saaka Waji Cusub Galay

328

Amaanka guud ee magaalada Moqdisho ayaa maanta si weyn loo adeeyey , waxaana la xidhay qaar badan oo kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada halkaas oo la dhigay ciidamo katirsan Nabad sugida qaranka iyo booliis.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa kusoo toosay wadadada Maka Al Mukarama oo inta badan saakay xidhan iyo wadooyin kale oo lasoo dhigay ciidamada dowlada, waxaana wadooyinka qaar loo diidayaa in ay isticmaaalan gaadiidka dadweynaha.

Dhinca kale waxaa hakad gali doona duulimaadyada shacabka ee garoonka diyaaraha magaalada Moqdisho .

Sababta dhamaan arimahaas loo sameynaayo ayaa waxaa ay tahay iyada oo la filayaa in saacadaha soo socda uu n magaalada Muqdisho uu soo gaadho Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa Moussa Faki Mahamat , waxaa sidoo kale Gudoomiyaha la socda masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho la kulmi doona madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya ay kawada hadli doonaan arimo badan oo muhiim ah sida abaaraha dalka ka jira iyo amaanka.

Comments

comments