Xulafada Sucuudiga Oo Gantaal Ku Dilay 30 Qof Soomaali Ah.

425

Ugu yaraan 30 qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen.

Ilo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo caruur, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay isbitaallada magaalada.

Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

Comments

comments