Wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland Maxamed Aadan Ibraahim Qabo ayaa waxaa uu ku dhawaaqey in la soo gabo gabeyn doono wajiga hore ee sanduuqa harumarina Somaliland ee SDF marka la gaadho bisha sagaalad ee sanadkan

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in lacagti sanduuqaas ku soo dhaceysay ay sameyn ku yeeshen is bed bedelka suuqyada lacagta ee qaarada Yurub , isla markaana dalal badan oo lacag ku soo shubi lahaa sanduuqaasi ay is bed bedeladaas lacagt ay sameyn ku yeelatey taas oo galaafatey mashaariic sanadkan la qaban lahaa

Dhinca kale wasiir Qabo ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in mashaariicdaasi dib loogu riixay sanadka 2018 oo uu furmi doono qeybta labaad ee SDF 2

Comments

comments