Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Ballan-qaaday Haddii Uu Guulaysto Inaan Wax Muddo Kordhin Ah Loo Samayn Doonin

99

“Labadii Bilood ee U Dambeeyey Waxaa La Xidhay 23 Suxufi, Waxaa La Xidhay Joornaalo Caan Ah Iyo Madax Badan Oo TV-yada Ah”

“Shacbigana  Waxaanu u Cadaynaynaa Haddii Uu WADDANI  Xukunka Yimaado Muddo Kordhin Dambe Ma Jiri doonto” Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna murashaxa xisbigaas iyo guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kadib khudbadii taariikhiiga ahayd ee uu ka jeediyey machadka gorfaynta siyaasadda caalamiga ah ee Chatham House ayuu shacbiga Somaliland kala qaybgalay barnaamijdka dood wadaag ee telefishnka UNIVERSAL, waxaana uu halkaas kaga jawaabay su’aalo door ah oo ay waydiiyeen shacbigii Somaliland ee barnaamidka ka soo qaybgalay.

Guddoomiye Cirro ayaa ka jawaabay su’aalo ay ka mid ahaayeen, madaxbanaanida saxaafadda oo KULMIYE aad ugu dhaliiley, saldhiga Berbera iyo qabsoomidda doorashooyinka oo uu ballanqaaday inuu xisbiga WADDANI wakhtigiisa ku qaban doono.

Ugu horayn guddoomiyaha oo ka hadlay isbar-bardhiga had iyo jeer lagu sameeyo saldhiga Berbera iyo saldhigyada wadamada jaarka ah sida Somalia iyo Jabuuti, waxaana uu yidhi:

“Haddii Somaliya ay ka sameysan yihiin 6 saldhig oo ciidan ah macnaheedu maaha in inagu na(Somaliland), aynu u baahan nahay saldhig ciidan ee nabad ayaynu u baahanahay.”

Guddoomiyaha oo ka hadlay madax banaanida saxaafadda ayaa sheegay inay xukuumaddu si joogto ah ugu tacadi saxaafadda dalka, waxaana uu sheegay in la xidhay xarumo warbaahined, mulkiilayaal iyo wariyeyaal tiro badan, waxaana uu xukuumadda u soo jeediyey inay madax banaanida saxaafadda ilaaliso, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“KULMIYE haddii la baadho wakhtigii uu mucaaridka ahaa saxaafadda aad bu ugu doodi jiray, waxaana uu noqday xukuumaddii ugu xadhiga badnayd saxaafadda, tirakoobkii la soo saaray 2015-2016 13 suxufi ayaa sannadkiiba la xidhay, laakiin Jenaury iyo Feberuary 23 suxufi baa la xidhay labadaas bilood oo qudha, waxa xidhan joornaalo caan oo Haatuf ka mid ahaa, waxaa la xidhay madax badan oo TV-yada, Horn Cable mararka qaarkood waa la joojiyey, maalin dhawayd waxaa la xidhay agaasimiihii Star TV iyo mulkiilihii UNIVERSAL, markaa kolay KULMIYE markii hore ee uu mucaaridka ahaa iyo iminkaba waa la hayaa waana taariikh, markaa kolayba waxaanu u soo jeedinaynaa in saxaafadda madax-banaanideeda dastuurku damaanad qaaday waa in loo daaya”

Ugu dambayn guddoomiyaha WADDANI ayaa meesha ka saaray inuu xisbigiisu yimaado in wax muddo kordhin loo samayn doono, waxaana uu sidoo kale ballanqaaday inuu doorashada wakhtigeeda ku qaban doono “Xisbiga waxaa ka go’an in hanaankii dimuqraadiga ahaa Somaliland dib loogu soo celiyo shacbigana waanu u cadaynaynaa haddii uu WADDANI xukunka yimaado muddo kordhin dambe ma jiri doonin ama Madaxwayne ha noqdo ama baarlamaan ha noqdo ama gole deegaan ha noqdo” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Comments

comments