Somaliland: Fanaanada Hodan Cabdiraxmaan Dheere Oo U Jabwaabtay Xidigaha Geeska , Maxay Tidhi?

1151

Fanaanada Hodan Cabdiraxmaan Dheere Oo U Jabwaabtay Xidigaha Geeska , Maxay Tidhi? Fanaanada Caanka ah ee hodan cabdiraxamaan dheere ayaa jawaab ka bixisay hadalo ka soo yeedhay faaniinta reer somaliland ee xidigaha geeska iyada oo sheegtay in ay faaniinta xidigaha geeska ay ku walaaloobeen waxana ay sidaa ku sheegtay sheegat qoraalo ay ku baahisay baraha bulshadu ay kulanto ee facebookga waxana uu u dhignaa sidan;

Salaan qaaliya dhamaan umada Somaliyeed salaan ka dib Hal erey ayaan rabaa inaan idhaah caawa, xidigaha geesku waxay Ahaayeen dhalinyar aan fanka ku walaalownay shalay laakin anoo hodan anoo hodan abdirahman ah… xidigaha ka horna fankaygu uu saameeyay umada somaliyeed,,, ilaa maantana aan ahay qof aaminsan inuu fanku qalyaalad iyo qabiil iyo xuduudba ka madax banaan yahay,,marka anoo ku nool cariga maraykanka talo wadaag iyo fan is dhaafsi Mooyaane wax kale nagama dhaxayn xidigaha xeerka iyo qodobada hoose ee ay ku hantaacayaana Waa mid iyagaa u gaara,, maaha mid aniga saamayn igu yeelan karta waxan leeyahay hadaba abwaan xasan Saleebaan Dhuxul laabsaalax walal hankaagu ha dhaafo Reer hebel markaad alifaysay adigu inaad iska bilowdo weeyaan wacyiga aad umada u jeedinaysid fanka iyo qadiyaduna Waa Laba naftaada waxaad la jeceshahay walaalkaa la jeclow intan aad maanta Isku hayso bari hakala gayn…. Waa dardaaran inta xidigaha wax u noqonaysa Waa inta ku hoos taagan kuwani way tageen salaamu calaykum

Comments

comments