Paul Pogba Oo Jamaahiirta Kooxdiisa Man United Uga Mahad Celiyay Fariimihii Ay U Direen Isaga Oo Balan Ku Qaaday

149

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayuu dhaawac ku soo gaadhay kulankii lugtii labaad ee Europa Leaque-ga ee FC Rostov. Wuxuuna seegayaa kulanka Middlesbrough iyada oo waliba Mourinho uu cadeeyay in aanu la midoobi doonin xulka qarankiisa France. Laakiin Pogba ayaa jamaahiirta kooxdiisa uga mahad celiyay fariimihii ay u soo direen kadib dhaawicii soo gaadhay.

Jose Mourinho oo ka hadlayay xaalada Paul Pogba ayaa yidhi: “Xaqiiqdii anigu ma garanayo muddada uu Pogba maqnaan doono. Laakiin isagu ma ciyaari doono kulanka Middlesbrough isla markaana uma ciyaari doono xulka qarankiisa”.

Pogba ayaa birtiisa twitterka ku soo qoray mahad celinta iyo balanta uu ku qaada in uu si deg deg ah u soo laaban doono wuxuuna yidhi: “Waad ku mahadsan tihiin dhamaan fariimaha, waxaan dareemayaa tamarta fiican. Waxaan boqolkiiba boqol diirada saari doonaa ka soo kabsashada waxaanan u soo laaban doonaa si deg deg ah”.

Paul Pogba ayaa Manchester United xili ciyaareedkan ka soo muuqday 41 kulan oo tartamada oo dhan ah wuxuuna soo dhaliyay 7 gool balse wali waxa uu la kulmayaa eedayn loogu soo jeedinayo in aanu wali u cudur daarin lacagtii rekoodhka aduun ahayd ee ay kooxdiisu ka soo bixisay.

Comments

comments