Kadib Isku Aadkii Siddeed Dhamaadka Champions Leaque-ga, Taariikhda & Waqtiga La Ciyaari Doono Kulanka El Clasico

122

Maamulka horyaalka La Ligaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay taariikhda iyo waqtiga la ciyaaro kulamada horyaalka Spain inkasta oo bilawga xili ciyaareedka la sii shaaciyo kulamo kasta taariikhda la ciyaarayo. Laakiin iyada oo la tixgalinayo xuquuqda baahinta TV-yada oo ay maamulka La Ligaha iyo kooxaha Spain lacag badan ka helaan waxaa markale si rasmi ah loo shaaciyay taariikhda iyo waqtiga kulan kasta la ciyaarayo.

Qaar ka mid ah wargaysyada Spain ayaa haddaba sii shaaciyay taariikhda iyo waqtiga uu noqon doono kulanka El Clasico-da ay Barcelona martida ku noqon doonto Santiago Bernabeu. Maamulka La Ligaha ayaa sugayay inta la soo saarayo isku aadkii siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga si ay waqti ku haboon ugu helaan kulanka Real Madrid iyo Barcelona ee La Ligaha.

Kulanka El Clasico-da ayaa ka tirsan kulamada 33 aad ee La Ligaha kuwaas oo aan ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaanin taariikhda iyo waqtiga la ciyaari doono, laakiin labada wargays ee AS oo Madrid ka soo baxa iyo Sport oo Barcelona ka soo baxa ayaa isku raacay in kulanka Bernabeu la ciyaari doono April 23 marka ay saacadu tahay 20:45 CET.

Markii hore waxaa la filayay in kulanka El Clasico-da la ciyaari doono sabtida April 22 laakiin iyada oo Barcelona Arbacada April 19 la ciyaari doonta Juventus ayay noqonaysaa in axada April 23,2017 uu noqon doono kulanka El Clasica-du.

Real Madrid ayaa talaadada April 18,2017 Bernabeu ku soo dhawayn doonta Bayern Munich, waxayna koox kastaaba ciyaari doontaa laba kulan oo aad u adag oo xidhiidh ah. Laakiin taariikhda iyo waqtiga ay saxaafada Spain shaacisay ayaan ahayn kuwo rasmi ah balse waxay yihiin kuwo aad xaqiiqda ugu dhaw oo la filan karo in maamulka La Ligahu u dhawaan shaacin doono.

Comments

comments