Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd ka hadleen falal mudooyinkii ugu danbeeyey si aad ah looga hadal hayey guud ahaan dalka gaar ahaana magaalada Hargeysa

Dhacdooyinka oo ah sixiroolayaal la sheegay in ay dadka afduubtaan ayaa waxaa ay ciidanka Boolisku sheegeen in guud ahaan dadka arimahaas warbaahinta ka sheegayaa aanay wax cadeyn ah u soo bandhigin ciidanka Booliska balse ay baadhitaano ku wadaan ilaa saddex fal oo arintaasi la xidhiidha isla markaan ka dhacay magaalada Hargeysa iyo magaalada Burco , natiijadeedna ay soo ban dhigi doonan

Comments

comments