Somalia: Kooxda Al-shabaab Oo Laba Wiil Oo Dhallinyaro Ah Ka Goysay Lug Iyo Gacan.

224
Somali Officials Vow to Retake Puntland Town
FILE - Soldiers from Somalia's Puntland keep guard on high grounds at the Galgala hills, during preparations for an offense against al-Shabaab militants, north of the capital Mogadishu, Jan. 9, 2015.

Maxkamadda Islaamiga ah ee Xarakada Alshabaab gobolka shabeelaha hoose ayaa gelinkii dambe ee shalay xukun gacmo goys ah ku fulisay labo wiil oo dhalinyaro ah oo lagu helay dambi ah tuuganimo deegaanka Dar Salaam ee gobolka Shabeelada hoose.

Xukunkan ayaa lagu fuliyay Cabdi Cali Maxamed oo 25 sana jir ah kaasoo laga gooyay lugta bidix iyadoo hore gacanta loogaga gooyay dambi uu galay halka Maxamed Xasan Cumar oo 20 sana jir ah laga gooyay gacanta midig.

“Maxkamaddu markii ay dhageysatay dacwada lagu soo oogay eedeysaneyaasha iyo jawaabihii ay bixiyeen oo ahayd mid qiraal ah, waxay maxkamaddu u bandhigtay shareecada islaamka, wuxuu noqday Xadu Sariqah, waxay soo saartay xukunka soo socda:- Cabdi Cali Maxamed waxaa laga goynayaa lugta bidix kadib markii horay looga gooyay gacanta bidix, halka Max’med Xasan Cumar laga goynayo gacanta bidix” ayuu yiri qaadiga maxkamadda oo fagaaraha ka akhrinayey xukunka.

Maxkamadaha Islaamiga ee Xarakada Alshabaab ayaa hore sidan oo kale xukuno gacmo goyn ah ugaga fuliyay deegaanada ay maamulaan.

Comments

comments