Nimcaan Hilaac Oo Imika La Sii Daayey Iyo Ganaax Lacag Oo Laga Qaaday

165

Maxakamadda ku taalla xaafada Deeym ee magaalada Khartuum ayaa sii daysay fanaanka dhallinyarada ah ee Nimcaan Hillaac ka dib markii uu bixiyey lacag ilaa 1100 dollar ah oo lagu ganaaxay.

Nimcaan Hilaac oo lagu eedeeyey inuu baal maray cashuur bixinta dowladdu xaq ugu leedahay dadka munaasabadaha ku qabsada Sudan ayey ciidamo Boolis ahi xalay ka soo qabteen hoolka Jafaani oo ka ag dhaw jaamacadda Mustaqbal halkaasi oo uu ka dhigaayey Bandhig faneed.

Xafladda ayaa dowladda markii hore loogu sheegay inay tahay aroos Soomaali balse waxay soo ogaadeen inuu yahay fanaan.

 

Nimcaan qorshihiisa Suudaan waxa u harsanaa laba bandhig oo mid uu kala qaybgalaayey telefishanka fanka ururiya ee Blue Nile.

Suudaan ayaa Soomaalida iyo fankoodaba aad u tixgeliya waxayna sidoo kale ilaaliyaan shuruucda in lagu dhawro siday ku soo baxaan

Comments

comments