Somaliland: Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Dorkeeda Waxqabad Muddadii Wasiirka ay ka Ahayd Waxbarashada iyo Maaliyadda

Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somalilad Waxay Ka mid Tahay Haweenka Aqoonyahanka Ah ee Reer Somaliland-isla Markaana Karti Iyo Aqoon Wixii Ilaahay Siiyay Ugu Adeegay-Qarankooda Somaliland`Waxanay Samsam Cabdi Kaso Qaybqaadatay Dib u Kobcintii Bulshada Somaliland oo Burbur Badani Kaso Gaadhay`Nidaamkii Siyaad Bare ee Dhamaan Kabayaahsii Umada Somaliland Xiddida u Saaray`Waxay Si Gaar ah Uga so Qaybqaadatay Samsam Cabdi Aadan Ololihii Dib u Bilawga Hanaanka Waxbarsho Ee Dalka`Ee Dhalinyarada Somaliland Lugu Dhiirigelinayay Dib u Bilawga Waxabarashada Qaybaheeda Kala Duwan iyadoo Tageero Talo Iyo Waxabadba leh Ka Geystay Arinkaas.

Sido Kale Saamsam Cabdi Aadan Wasiirka Wasaarda Maaliyada Somaliland Waxay Door Muuqda Kaso Qaadatay Asaaska Iyo Hirgelinta Somaliland ay ka Hirgeleen Ururada Ka Shaqeeya Arimaha Bulsshada –Si Bulshadu u Hesho Waxtar Dhinacyo Badanleh`Waxaanay Hirgelinta Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee Samsam Cabdi Aadan Iyo Aqoonyahanka Kale EeWadanku Sameyeen Wakhtigaasi Suuro Geliyeen inay Fursad Waxbarasho iyo Tababar Helaan Xubno Dhalinyaro ah oo Isugu Jira Wiilal Iyo Gabdho Reer Somaliland ah`oo Noqday Aqoonyahan`Wax Ku Tara Aqoontooda Dalkooda Somaliland.
Samsam Cabdi Aaadan Wasiirka Maaliyada Somaliland Ee Xukumadan Tallada Haysa EE Kulmiye Mudooyin Badan oo ay Ka Shaqaynaysay Arimaha Bulshada ka Dib Waxay Cagta La Gashay Dhinaca Siyaasada`Waxaanay Xubin Ka Noqotay Xisbiyada Siyaasada`iyado Xubin Firfircon Ka Noqotay Xisbiga Kulmiye oo Wakhtigaas Ahaa Xisbi Mucaaridkii Ugu Awooda Badna Asxaabti Mucaaridka Ahayd- Dorashooyinkii Madaxtooyo ee Dalka Ka Dhacay 26/6/2010Kii Xisbiga Kulmiye Ee Samsam Aadan  Ka-Midka Ahayd Ayaa Ku Guuleystay Tartankii Doorashada Ee Dhexmartay Xisbiyada Kulmiye,Ucid.Iyo-Xisbigii UDuB oo Isagu Markaas Talada Dalka Hayay.

Hogaamiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Wakhtigaas oo Noqday Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland`wuxuu So Dhisay Xukuumad Golaha Wasiiradeedu Koobantay`Wuxuu Madaxweyne Siilanyo u Cugtay Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare`oo Ka Mid ah Wasaaradaha Ugu Misaanka iyo Baaxada Badan Wsaaradaha Somaliland`madaama Wasaarada Waxbarshadu Maamusho-Dhamaan Waxbarshada Dalka Mid Sare iyo Mid Hoosaba.

Samsam Cabdi Aadan Markay Noqotay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dalka`Waxay Markiiba-Qaaday Talaabooyin Waxtar Leh oo ay Wax Kaga Qabanayso`Baahidii Faraha Badnayd Ee Ka Jiratay Wasaarada Waxabarshada`Gaar-Ahaan Sidii Adeega Waxbarsho Lo Gaadhsiinlahaa Dhamaan Bulshada Somaliland oo u Badan Bulsho Danyara una Baahan Inay Helaan Ubadkoodu Adeeg Waxbarasho.

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Markii Talada Dalka ay Qabatay Waxay Waxbarashada Dugsiyada Hoose Dhexe Xukuumadu Maamusho Ka Dhigtay Lacag La`aan Si Bulshada Danyarta ah Ee Ka Midka ah-Muwaadiniinta Somaliland Ay u Helaan Waxbarasho La Mida Waxbarashada Ubadka Dhigoodu Helaan-Waxaanu Qorshahaa Xukuumadu Bilaashka Kaga Dhigtay Qayb ka Ahaa`Qorshihii Xisbiga Kulmiye Ku-Galay ololihii Doraashada`Waxbarashadaas Lacagla`aanta Laga Dhigay Waxay Kuso Kordhisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Culays Fara Badan`Sababo Badan oo Jiray Wakhtigaas Awgood1=Dugsiyada Hoose Dhexe Ee Wadanka Macalimiinta Wax Ka Dhigaysay Ma Ahayn Macalimiin ka Gunaysan Ama Wax Mushahara ka Qaata Wasaaradda Waxbarashadda intooda Badani`Waxaanay-Dheefsan Jireen Macalimiintu Xooga Lacaga oo Walidiinta laga Qaadi Jiray Bishu Markay dhamaato.-2=Macalimiinta Dugsiyada Waxbarashada Hoose Dhexe oo Marka Horeba u Baahna Dib U Habayn iyo Qiimeyn Fara Badan.

3=tirada Macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe Wax Ka Dhigta oo Wasaaradu Si Rasmiya u Hayn.

Qodobadaas Aynu kor Kuso Sheegnay Iyo Kuwo Kale oo Badan Islamarkana Culayskooda lahaa-Waxa Korka Ku Qaadatay Kartida Iyo Dadaalkeedana Kaga Baxday Ilaahayna Ku Garabgalay Wasiirkii- Waxbarashada Ee Wakhtigaas Marwo Samsam Cabdi Aadan`iyadoTageero Fiicana Ka Helaysay Xukuumada Qaybaheeda Kale iyo Maamulka Kale ee Wasaaradda Waxbarashada`Waxaana Sidaas Ku-Hirgalay In Nidaamka Waxbarshada Hoose Dhexe Ee Dalku Noqoto Lacag La-aan.

Geesta Kale Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Muddadii Wasiirka AY Ka Ahayd- Samsam Cabdi Aadan Waxay Ku Talaabsatay Guulo Fara Badan oo Dhinacyo Badan LehKana Mid Ahayeen Middaynta Waaxyaha Maamul Ee Wasaaradda Waxbarashada`Xal u Helida Khilaafadkii Ka Dhex Dhici Jirey Maamulka Iskuulada Iyo Ardayda`oo Guurtinimo Badan Ay Ka Sameysay Muddadi Ay Wasaaradda Waxbarshada ay jogtay Samsam Cabdi Aadan Iyado Maamul Daadajina Ku Sameysay Habmaamulka Goboleed Ee Xafiisyada Waxbarashada Gobolada Dalka Qarkood Gaar-Ahaan Gobolka Maroodi Jeex Kana Dhigtay Laba Xafiis oo Kala Ah Bari iyo Galbeed Si Maamulka Waxbarsho Ee Gobolku Ugu Hagarbaxo Adeega Waxabarsho EE Gobolka Maroodijeex oo Bulsho Ahaan iyo Bad-Ahaanba Culayskiisa Lahaa.

Geesta Kale Samsam Aadan Waxay Shaqo Abuuris uu Sameysay Dhalinyaro Badan oo Aqoonyahankii Wax Bartay Ah Isuguna Jira Wiilal iyo Gabdhaba`oo Ka Hawlgalay Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Uguna Hawlgalay Siyaabo Kala Duwan`Sido Kale Waxay Xuquuqdoodi Shaqaalanimo Siisay Xubno Ka Mida Khubaradii Muddada Dheer uso Shaqaynayay Wasaaradda Waxbarshada oo Wakhtiyo Adkaa –Aqoontooda Iyo Khibradooda Qaranka Uguso Adeegay Duruuf Kastana Uguso Dhabar Adaygay oo Wasaaradu Hawlgab ka Dhigtay`Si Fiicana Lo-Abaalmariyay Niyadoodana Ladhisay.

Samsam Cabdi Aadan Ku Dhawaad Shan Sano oo Ay Wasiir Ka Ahayd Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Waxa Madaxweyne  Axmed Siilanyo Markale u Doortay Inay Qabato Xilka Wasiirnimo Ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Iyadoo Noqotay Haweeynaydii u  Horeysay ee Noqota Wasiirka Dhaqaalaha Jamuuriyada Somaliland oo Ila Imika Ay Hayso`Sida Aan Kaso Xigtay Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyada Waxa ii Sheegen inuu Kor u Kocay Nidaamka Maaliyadeed ee Wasaarada Maaliyadu Muddadii  Ay Jogtay Samsam Cabdi Aadan`Waxaanay Dib u Habayn Iyo Dardargelin Ku Sameysay Laamaha Dakhli So-Saar ee Wasaaradda Maaliyada`Sida Kastamiska iyo Cashuuraha Beriga.

Sido Kale Waxay Xakamaysay Ku Tagrifalka Hantida Maliyadeed Ee Wasaarada Maaliyadu Masuulka uga Tahay umada Iyado Samsam Cabdi Aadan Ku Dadaashay In Qarashaadka uso xarooda Dalka inuu si Toos Ugu Dhaco Qasnada Dawladda`Taas oo Sababtay in Misaaniyada Qaranku Korodho In Kasto Misaaniyadu Qaranku Marba Marka Dambaysa Ay Si Kordhaysay Intii Xukuumada Kulmiye Jirtay`Hadana Mudaddii Wasaiirka Ahayd Waxa si Labanlaabmay Kor u Kac Ku Yimid Misaaniyada Qaranka`iyo Inay Ka Dhex Muuqato Misaaniyadahii Kala Dambeeyay Ee La-Ansixiyay Intay Samsam Cabdi Aadan Wasaarada Maaliyada Wasiirka Ka Ahayd Mashaariic Badan oo Saameyn Ku Leh Arimaha Bulshada oo Aan Ka Dhex –Muuqan Jirin Misaaniyadii Wasiir Ahaan Ka Horeeyay SamsamCabdi Aadan.

Geesta Kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Mudaddii Ay Wasiirka Ka Ahayd Wasaaradda Maaliyada Waxay Si Toos Ah Uga Dhexmuuqatay Isla-Markaana Ay-Waxqabadkii Xukuumada Gaadhsiisay Bulshada Degaanada Magaalooyinka Waaweyn Ka Baxsan  Ee Tulooyinka Ah ee Ay Ku Nolyiin Dadka Xoolo Dhaqatada Ah iyo Bulshada Somaliland Intooda Aan Codkoodu Muuqan Ee Baahida Weyn u Qaba Inay Helaan Adeegayada Asaasiga ah Dawladnimo-Waxaanay Degaanadaas Gaadhsiisay`Riigag Biyood`Gadiidka Gurmadka Cafimaadka iyo Adeegyo Kale-Kuwaas Wax Ka Taraya Nolosha Dad iyo Duunyaba`iyado Markastana La Kaashanaysa Wax Ka Qabashada Baahiyahaa Ka Jira Dalka Guud Ahaantii Haayadaha Kale ee Dawlada Kuna Shaqada leh Hadba Baahida Dadku Qabaan.

Wasiir Samsam oo Ah Shakhsi Ilaahay u Dhaliyay Karti iyo Adayg Ay u Adagtay Hawlaha Ay Qaranka u Hayso oo Aanay Hadh iyo Habeen Ka Nasan Misana Ah Qof Dumar Ah Ayaa Ah Sakhsiyad Mar Walba Ka Dhex Muuqata Shaqo Kasta oo Qarankan u Taala Wax Ka Qabashana u Baahan`inagoo Tusaale uso Qaadan doona Doorkii Ay Ku Lahayd Gurmadka Abaaraha iyo Takulaynta Dadka Abaaruhu Sameeyeen –Waxaanay Habeeno Adag diifta iyo Abaarta kula Qybsatay Dadka Abaaruhu Sameyeen Degaanada Ay Ku Suganyiin Inta Badan bulshada Abaaruhu Sida Xun u Wax u Yeleen Ee Gobolada Bari`Iyado Wasiir-Samsam Cabdi Aadan Gaadhsiisay Dadka Abaaraysan`Taakulo Nocyo Kala Duwan isugu Jirta Sida Biyo`Cuntooyinka Fudud`Dawooyin`Huga La Huwado`Iyo Qarbadada Biyaha Lugu Kaydiyo`waxaanay Tiraba Laba Jeer Wasiir Samsam Socdaalo Dhinaca Abaaraha Ku Tagtay Gobolada Beri Ee Abaartu Ku Xoog Badanatay iyado Degaanada Kale ee Somalilandna Sidaas oo Kale Takuulo Gadhsiisay.

Ugu Danabayn Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo Ah Shakhsiyadaas Dadaalka iyo Kartida Badan Islamarkaana Ah Dadka Ugu Wadaniyada iyo Lexejeclada Badan Masuuliyiinta Reer Somaliland-Ayaa Hadana Waxaad Arkaysa Barayahan Danbe Ashkhaas Aflagaado iyo Hadalo Deel Qaaf ah oo Aan lo Meel Dayin oo Lugu Aflagadaynayo Milgaheeda Kuso Qoraya Baraha Bulshadu Ku Kulanto Iyo Shabakadaha Wararaka Baahiyaba`Qofku Inuu Wax Dhaliilo Wixi Dayacana Ku Dhaliilo Masuuliyinta Ay Khuseyso Waa iska Sune Lakiin Waxa Muhiima In Qofku Intaanu Wax Qorin Ama Wax Sheegin Helo Xog Rasmiya oo Xaqiiq Ah lana Xidhiidha Dhacdada uu masuulka Ku Dhaliilaayo`Lakiin Waxa Nasiib Daro Ah In Shakhsiyadii Masuulka La iska Aflagadeeyo Waliba Masuuliyiinta Mudan In La Tageero mooye In La Aflagadeeyo Sida Wasiirka Wasaaradda Maaliyada oo Kale Samsam Cabdi Aadan-Inkasto Wali Indhahaygu Qaban Samsam Cabdi Aadan oo Dhaliilha Iska Jabban Ama Liita Ka Jawaabaysa Waxaan Taasi Ku Cadaynaysaa Kalsoonida Masuuliyadeed Ee Ay Qabto`Sababta oo AH Masuulka Wax Qaloociya Kabash Kabashtiisa Aya Badata Marka Wax Laga Sheego Ama Dhaliilihiisa Laso Bandhigo.

Ilaahay Ayaa Mahad Leh

Comments

comments

SHARE