Somaliland: Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Hadlay Tallaabada Xukuumaddu Ku Joojisay Shirka Bandhigga Cilmi-baadhis Saldhigga Millateri Laga Sameeyey

174
Justice Minister Hussein A Aidded

“Waxaannu Annagu u aragnaa in sababta loo diiday qabashada shirkan ay tahay mid keliya oo ah; inaan Dadka loo iftiimin xaqiiqada dhabta ah ee ku gedaaman Saldhigga Millateri..” Cali-Sanyare

“Warqaddani sida aan sheegay Maxkamad bay tegi, ama dalkani waxa uu noqon doonaa dal afarta halkaas habeenkii isugu tagtaa ay u tashato ama dal ummadda ka dhexeeya ayuu noqon doonaa..” Xuseen Axmed Caydiid

Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si adag uga hadlay, isla markaana wax aan la aqbali karin oo dimuquraadiyadda lagu burburinayo, isla markaana xorriyadda hadalka ee Dastuurka Somaliland dammaanad-qaaday lagu burburinayo ku tilmaamay tallaabada ay Xukuumadda talada haysaa shalay iskaga hor-taagtay in Xisbigaasi Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu ku soo bandhigi lahaa Daraasad laga sameeyey saamaynta Saldhigga Millateri ee Imaaraadka laga siinayo Berbera dalka iyo dadka ku leeyahay, bayaaminta nidaamka sharci ee loo maray iyo arrimo kala duwanaanshaha Saldhiyada Ciidan la xidhiidha.

Xukuumadda Somaliland, ayaa Warqad ay ku socodsiisay Mulkiilayaasha iyo Maamulayaasha Huteellada waawayn ee dalka, gaar ahaan Hargeysa shalay isku hortaagtay Shirka Waddani ku qabsan lahaa Huteelka Maansoor oo markii ay Masuuliyiinta iyo Dadka Xafladda Shirka kala qaybgalayey qaarkood galeen gudaha Hoolka Shirku ka dhacayey, qaarna aanay weli gaadhin Ciidammo la geeyey Huteelka, isla markaana ay sheegeen Masuuliyiintu in qaarkood Dusha lagaga xidhay Hoolka Shirka loo qorsheeyey, sidaasna lagu baajiyey soo bandhigga Daraasadda Waddani ka soo sameeyey arrimaha Saldhigga Millateri.

Warqadda Huteellada ay Xukuumaddu kaga mamnuucday Shirarka Xisbiyada Mucaaradka ahi ay ku qabsan jireen, waxaa ku saxeexnaa Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, waxaana Nuqul ka mid ah oo Warbaahintu heshay, taariikhda la qorayna ku beegnayd Axaddii toddobaadkan ee 13/03/2017, waxaanay u dhignayd sidan:- “Sida aad la socotaan waxaa beryahan dambe dalka ku soo badanaya Shirar liddi ku ah oo ka horimanaya nabadgelyada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, kuwaas oo lagu qabto Hudheellada waawayn ee dalka. Shirarkaas oo la rabo in lagu kiciyo Bulshada Somaliland, si khalad ahna wax loogu sheego.

Inkasta oo uu dalkeennu yahay dal dimuquraaddi ah, haddana wixii nabadgelyada ka hor-imanaya cidna laga yeeli maayo. Sidaas darteed, laga bilaabo taariikhda qoraalkan, waxaa reebban in Shirarkaas aynu kor ku soo sheegnay lagu qabto Hudheelladiinna.

Cid kasta oo ka hor-timaadda Qoraalkan, isla markaana oggolaata in Shirkaas lagu qabto Huteelladooda, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag, waxaana la hor-keeni doonaa Sharciga.”

Markii la baajiyey Shirkaas ayey Siyaasiyiin iyo Masuuliyiint Xisbigga Waddani ka tirsan Warbaahinta kula hadleen magaalada Hargeysa, isla markaana ay ujeeddada  Xukuumaddu u hor-istaagtay shirkaas, Nuxurka Daraasadda ay ku soo bandhigi lahaayeen iyo waxa ay hadda yeeli doonaan mar haddii Xukuumaddu is-hortaagtay ama u diidday inay Huteellada ku soo bandhigaan faahfaahiyey. Waxaana Saxaafadda la hadlay Xoghayaha guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo Xubno kale.

Ugu horreyn Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland wakhtigii Xukuumaddii Daahir Rayaale oo xilligan ka tirsan Xisbiga Waddani Cali Ibraahin Maxamed (Cali-Sanyare) faahfaahiyey waxa ay soo bandhigi lahaayeen iyo waxa loo joojiyey, waxaanu yidhi; “Waxaa nalaga kireeyey Hool (Hudheelka Maansoor ah), Halkaas ayey Dadkii (Shirka ka qaybgalayey) yimaaddeen, qaar kale oo imanayeyna Kidinka Huteelka ayaa loogu sheegay, Annagoo ku dhex-jirnana Dushaaba nalagaga qufulayoo waabannu yaabnoo waxaannu is-nidhi ma Xabsi baa la idin geliyey. Markaa, waa arrin aad iyo aad u fool-xun, waana arrin loo baahan yahay Ganacsatadu inay is-xorayso; sida Hudheellada oo kale iyagaa Ganacsiga lehe inaanay waxaas oo kale oo ganacsiga ka xumaynaya u nuglaannin.”

“Waxaannu Annagu u aragnaa in sababta loo diiday qabashada shirkan ay tahay mid keliya oo ah; inaan Dadka loo iftiimin xaqiiqada dhabta ah ee ku gedaaman Saldhigga Millateri ee Berbera. Wixii hore ee la sheegayey waxay badi ahaayeen kutidhi-ku-teen iyo wax aan cilmiyeysnayn. Warbixinta maanta (shalay) la soo bandhigi lahaa waxay iftiimin lahayd oo Dadkuna ay tahay inay fahmaan, waayo? Dadku haddii muhmal uun la geliyo oo aanay runta fahmin gadaal baa laga qoomamoodaa. Laakiin, Dadku inay ogaadaan xaqiiqada ayey ahayd, waana Warbixin cilmiyeysan.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Sanyare.

Waxaanu Siyaasi Sanyare intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Warbixintu waxay sheegi lahayd oo ay ibo-furi lahayd xaqiiqada dhabta ah ee Saldhigga Millateri ee Berbera ku xeeran iyo dhaxal-xumada la qiray ee ay kala kulmeen dalalka hore u marti-qaaday Saldhigyada Ciidan. Waxay lafa-guri lahayd noocyada kala duwan ee ay u kala baxaan Saldhigyada Ciidan iyo saamaynta taban ee ay ku yeelan karaan nabadgelyada dalka, nolosha dalka, siyaasadda, dhaqaalaha, bii’adda, deegaanka iyo fool-xumooyinka dahsoon ama qarsoon ee hore loo arkay loona diiwaangeliyey ee xumaan ku keeni kara Dhaqanka iyo Diintaba. Waxa uu Qoraalku isdul-taagi lahaa dhacdooyinkii duulduulka ahaa ee ka soo baxay Fadhigii wada-jirka ahaa ee labada Gole Baarlamaan yeesheen iyo Gefefkii sharci iyo maamul ee lagu meel-mariyey Nuxurkii heshiiska Xukuumaddu doonayso inay ku bixiso Saldhigga Millateri ee Berbera. Waxa kale oo ay Warbixintu qaadaa-dhigi lahayd dhammaan Mugdiyada ku gedaaman iyo qaabkii gurracnaa ee ay sida Badheedhka Xukuumaddu ugu wadday bixinta Saldhigga Millateri. Markaa, Xaqiiqadaa Cilmi-baadhista lagu sameeyey  ee iftiiminaysa wuxuu Saldhig Millateri yahay, ayaa laga baqanayaa in la sheego. Laakiin, waannu sheegi doonnaa, waannu qaban doonnaa Shirka, mar labaad baanaynu kulmi doonnaa.”

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xukuumaddan Siilaanyo, isla markaana ka mid ahaa Aasaasayaashii Kulmiye, xilkana iska casilay 2015-kii, ka dibna ku biiray Xisbiga Waddani Xuseen Axmed Caydiid, ayaa isaguna arrimahaas si adag uga hadlay, waxaanu yidhi; “Dimuquraadiyaddii dalka ayaa maanta (shalay) meel lagaga dhacay, Dadkana dhegaha iyo afka la qabto ayaa tallaabo lagu qaaday, in Afkeenna iyo Dhegeheennu aanay is-gaadhin ayey Xukuumaddu tallaabo ku qaadday. Arrinkaa waxyeellada ku leh dimuquraadiyadda ee Shaqadii Xisbiyada loo furtay ee in Xukuumaddu maalintay taraarto, maalintay hantida Ummadda ku takrifasho, maalintay musuqmaasuq gasho, maalinta ay afar Tuug hantida Ummadda isku dayaan dhacdo Siidhigii lagu afuufi lahaa cidda tidhaahda; ‘yaan Siidhigaasi ciyin’ iyagana Maxkamad baannu geynaynaa. Bal markaa, Maxkamaddu ha u xukunto in dimuquraadiyaddii aynu halkaas iska dhigno oo aynu Kali-talisnimo Qoys hoos-tagno iyo inay dimuquraadiyadda fasaxdo oo ay ku dhiirrato sidii Garsoorihii Federaalka Maraykanka ee Madaxweyne Trump Amarkiisii ka hor-tegay ee yidhi; ‘Waa Qayrul-dastuuri in Dadka toddobadaa dal ee Maraykan imanaya ee Diyaaradaha soo saaran aad tidhaa sooma geli kartaan xaaraantinnimeeyey’, hadday tani xaaraantinnimayn waydo iyo in kale bal aan eegnee Maxkamaddana Dacwad baannu geynaynaa.”

Waxa uu Xuseen Axmed Caydiid oo arrimaha heshiisyada Dekedda iyo Saldhigga Millateri ee Xukuumaddu Imaaraadku la gashay ka hadlaya, waxa uu yidhi; “Waxaan heshiis ahayn oo hadal Warqad qof ku soo qortay ayaa Baarlamaanka la hor-keenay. Illaa maanta heshiis Golaha Wasiirrada la geeyey ma hayno, illaa Maanta oo Dekeddii ay ka shaqaynayso Carabtii la wareegtey, ma hayno heshiis rasmi ah oo Dekedda lagu wareejiyey, ma hayno Heshiis Golaha Wasiirrada tegay, ma hayno heshiis Wakiillada tegay, ma hayno heshiis Xisbiyada iyo intii Siidhiga ku afuufi lahayd ay ka warqabaan.”

“Afartii Dillaal afartii qoraal ee ay soo qoreen ee Dekeddii lagu wareejiyey ma hayno, waxa ka taagan Dekeddii Berbera-na waad ka war-haysaan. Inay saddex cish xanniban tahay. Saldhiggan Millateri ee la keenayaana inuu ka dar oo dibi-dhal yahay oo kootarabbaanka Dekedda lagu wareejiyey lagu wareejinayo oo Ciidan iyo Quwad aanad itaal u lahayn lagugu soo fasaxayo, Daraasaddii laga soo sameeyey ka hor-teggeedu waa waxaa shirarka loo mamnuucayo, Xisbiyadana la damcay in afka loo qabto.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Xuseen Axmed Caydiid, waxa kale oo uu sheegay in aanay Xisbiga Waddani iyo Dawladda Soomaaliya wax ka dhexeeyaa jirin, hase yeeshee ay Xukuumadda Somaliland dalkeeda u daba-fadhiisatay Soomaaliya oo ay dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud u saxeexday heshiisyadaas, Baarlamaanka Soomaaliya cidda uu Mooshinka ku oogayaana tahay Madaxda dawladdii waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya oo ay u arkaan inay Soomaali Khiyaamaysay, sidaa darteedna aanay Waddani iyo Soomaaliya wax iskaga xidhan iyo wax ka dhexeeyaa jirin. Waxaanu ballan-qaaday inay qaybinayaan Khamiista toddobaadkan Buugaagta iyo Qoraallada Daraasadda Saldhigga Millateri uu Waddani ka soo sameeyey ee Xukuumaddu shirkii lagu soo bandhigi lahaa shalay ay is-hor-taagtay. “Berbera-dii la yidhi; ‘Wax go’ lagu qaado ka wayn’, ma Afar Qof waxay Calooshooda uga taliyeen baynu ku sii daynaa? Taasi caqli maaha ee haddii loo dhimanayo oo intaa la is-jarayo yeeli mayno. Warqaddani sida aan sheegay Maxkamad bay tegi, ama dalkani waxa uu noqon doonaa dal afarta halkaas habeenkii isugu tagtaa ay u tashato ama dal ummadda ka dhexeeya ayuu noqon doonaa.” ayuu yidhi Xuseen.

Comments

comments