Somaliland: Markab Koontiinarada Qaada Oo Shalay dakada berbera ka goostey kadib markey mudaharaadeen shaqaalihii ka rogi lahaa

555
Berbera Port is key to Somaliland growing its economy and creating jobs in the absence of international recognition

Markab Continer ship ah oo Maanta gelinkii hore lagu roggaayey Dekedda Berbera, ayaa markii ay bilowdeen rabshadaha Mudaharaadka ah ee shaqaalaha Dekedda Berberi sameeyeen waxa uu ka Goostay marsada caalamiga ahayd ee Habada Dekedda Berbera oo ku xidhnaa.

Markabkan Continer ship ah, ee ka goostaya marsada Berbera ayaa ahaa kuwa Koontinarada qaada, isla markaana iskaga kala gooosha dalal badan oo Africa u badan. Markabkan ka shiraaqday Dekedda Berbera ayaa sababta u baxsadday isagoon rogin badeecadii Koontinarka ahayd ee uu u siday dadka reer Somaliland. Sidoo kale, waxa uu Markabkani ka taggay Koontinaro faaruq ah oo ah oo la damacsanaa in lagu raaro oo la celiyo.

Lama ogga inuu Markabkaasi dib usoo laaban doono iyo in kale, hase-yeeshee xaaladda amni ee shalay ee magaaladda Berbera ayaa sababtay in Markabkaasi ka goosto Marsadda Berbera oo ku roggaayey badeecad.

Si kastaba ha ahaatee, shalay waxa magaaladda Berber aka dhaacay Mudaharaad balaadhan oo ay sameeyeen shaqaalaha Dekedda Berbera , kuwasoo ku mudaharaadayey amaro ay qaadankari waayeen oo ay kusoo rogtay shirkadda Xukuumadda u gacan gelisay Maamulka Dekedda Berbera.

Comments

comments