Somaliland: Dadka Somaliland Ee Diiddan Saldhigga Millateri Iyaguna Ma Soomaaliweyn-baa?

108

Waddani Bay La Mawqif Yihiin.. Ninka Fikirka Soomaaliya Qabto Qabaa Qaranka Ayuu Duminayaa..”

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku hafatay inay jawaabo sugan oo lagu wada qanci karo ka bixiso sababta rasmiga ah ee ay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ula xidhiidhiso Soomaaliweyn iyo Sababta shalay ay ugu diidday inuu Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ku qabsado shir uu ku soo bandhigi lahaa Cilmi-baadhis uu sheegay inay ka sameeyeen saamaynta Saldhigga Millateri ee Berbera Imaaraadka laga siinayo.

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diirye, ayaa markii ay Xukuumaddu amar isku-hortaagtay shirka Waddani ka dib, Weriye Xamse Cali Bulbul oo Horn Cable TV ka tirsani waraysi la yeeshay, oo Su’aalo kala duwan weydiiyey, waxaanu Wasiiru-dawluhu ku dooday in loogu diiday Waddani shirkaas inuu yahay mid lid ku ah horumarka iyo nabadgelyada dalka, isla markaana lagaga soo horjeedo Saldhigga Millateri, una arkaan Waddani inuu la mawqif yahay Soomaaliweyn ama Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Waxaanu sidoo kale sheegay Maxamed Muuse in ciddii Saldhigga ka soo horjeesataba ay u arkaan Waddani iyo Soomaaliweyn.

Wasiiru-dawlaha Amniga oo ugu horreyn ka jawaabayey Sababta Shirka Waddani Xukuumad ahaan ay u baajiyeen shalay ahaan, waxa uu yidhi; “Mushkiladda inna haysataa waxa weeye wixii dalka u dan ahaa iyo wixii u darnaa ayeynaan kala garanayn, waxa aynu kaga faa’idaysanaynaa xaalado yaryar oo ku meel-gaadh ah ama siyaasadeed. Dalkeennu waxa uu u baahan yahay maalgelin, dalkeennu wuxuu u baahan yahay in Ummaddu ku soo xidhato. Xisbigii Mucaaradka ahaa ee Waddani Anigu, UCID waxba ka sheegi maaye waxa  beryahan danbe aad mooddaa inuu la xuluufoobay cadowgeenna, halka ay innaga taagan yihiin buu ka taagan yahay Qarankan. Sababto ah, kama fiirsanayo hawshan uu qabanaayo inuu dhiciseeyo ayuu doonayaa. Wasaarad ahaan amnigii qaranka ayaanu masuul ka nahay, oo warqadda annagaa qornay oo waxaanu u qornay Huteeladda oo waxaannu nidhi ninkii doonaya inuu wax qabsaddo meel buu leeyeh meeshiisa ha ku qabsaddo. Laakiin uun ummadda ku soo ururiyo Huteeladda hoolalkoodda waawayn oo dabadeedna wax ku siidaayo oo dhangaagaalihii iyo dadkii masaakiinta ahaa ee caadifadda la gelinayay uu waxa uu doonnaba ku yidhaahdo, waxaannu ku nidhi adeerayaal ku qabsadda xarumihiinna.”

Sidoo kale, waxaa la weydiiyey Wasiiru-dawlaha Amniga, inay Xisbiyadu hore-ba ugu qabsanayeen Shirarkooda Huteellada Mucaarad iyo Muxaafid-ba, Somaliland-na dal dimuquraaddi ah yahay, bal inuu dadka ka qanciyo sababta rasmiga ah ee keentay diidmadan shalay, waxa uu ku jawaabay; “Inaadeer waad ogsoontahay oo xilli xasaasiyaa ayaynu joognaa, waad ogtahay oo dekedda Berbera waxaynu ku wareejinay DP World, waad ogtahay oo dawladeennu waxay heshiis la gashay oo golayaashu qaranku ansixiyeen ee uu hormoodka ka yahay xildhibaan Cabdiraxmaan Cirro waxay ansixiyeen in madaarkii Berbera lagu wareejiyo Imaaraadka Carabta, waa dal aynu saaxiib nahay. Waad ogsoontahay oo safaaraddoodii way ka qaateen Muqdisho arrinta daraadeed, Farmaajo ilaa halka uu cararay ee uu yidhi Sucuudiga naga qabtaa imaaraadka waad ogtahay. Ma innaguu innala shaqaynayey oo dimuqraadiyadda ayuu ku shaqaynayaa mise dalka ayaa la duminayaa?”

Balse, waxa uu Weriyuhu weydiiyey in waxa laga hadlayaa yihiin arrimihii gudaha Somaliland, Xisbiga Waddanina la haynin meel uu Soomaaliya ku taageeray ama wax kula wadaagay. Sidaa daraaddeed, inuu si cad Bulshada uga qanciyo Sharciga dhigaya inaan laga hadli karin Heshiisyada Xukuumaddu galayso iyo halkay Sharciga kaga taallo, waxa uu ku jawaabay; “Waxay kaga taallaa Soomaaliya waynu ka goosannay, ninka fikirka Soomaaliya qabto qabaa Qaranka ayuu duminayaa. Nin da’yar baad tahay, da’dii inay dalka dhaxlaan baad ka mid tahay, adiga taasi ma kula tahay inuu dalkanni ku dhismayo.”

Weriyuhu waxa uu mar kale weydiiyey Wasiiru-dawlaha su’aal ahayd, Waddani meel ay Soomaaliweyn baannu taageersannahay ku yidhi maynaan arag, ee goorma ayuu Waddani taageeray Soomaaliweyn Wasiir? Waxaanu Maxamed Muuse Diirye ku jawaabay; “Weli su’aashayda ilaa hadda waad ka meeraysanaysaa, oo si isku mid ah iyo mowqif isku mid ah ayay ka qaateen arrinta iyadda ah ee aynu wadno, way ka hadleen way isku dayeen inay ka mudahaaraadaan oo waa laga horjoogsadday ilaa hada may hadhin, maantanna ta ay doonayaan inay ka hadlaan waataa, Soomaaliyanna way ka hadashay oo isku mowqif bay ka yihiin.”

Sidoo kale, waxa Wasiiru-dawlaha uu Weriyuhu weydiiyey in Xukuumadda lagu eedaynayey inay heshiisyada Imaaraadka Carabta Dawladdii hore ee Soomaaliya u saxeexeen oo oggolaadeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid, markaa ma tiinnii ayaad Xisbiga Waddani ku soo celinaysaa Wasiir? Waxaanu Wasiiru-dawluhu ku jawaabay; “Xujo, xujo ka horgeebaa la yidhaahdaa Xasan Sheekh baa saxeexbay leeyihiin. Xasan Sheekh innaga inamuu taageerayn oo inamuu siinayay taageero ah in aynu ka go’no, mowqifka Farmaajo innaga taagan yahay ayuu innaga taagnaa.Marka ninka caynaas ahi ee qadiyad uu dalkeennu ku hormarayo ku dhaqaaqi maayo, taa Farmaajo waddo ayuu isna taagnaa, meel uu ku saxeexay Xasan Sheekh oo Dhukumanti ah oo aad aragtay, waxaa waddani ahaan sheegayo ahayn. Markii ay ogaadeen in iyaga iyo Soomaaliya isaga mowqif yihiin ayay yidhaahdeen Xasan Sheekh baa saxeexay. Xasan Sheekh midh muu saxeexin ee innaga ayaa la gorgortannay, inagaa imaaraadka la saxeexanay, inagaa toos ugu tagnay ilaa safiirkii ingiriiska ahaa ee Su’aasha la waydiiyay ee Xamar joogay wuxuu yidhi waanu soo dhawaynaynaa waa horumar Somaliland gaadhay.”

Wasiiru-dawle Dadka gobolka Saaxil qaarkood iyo Shacabka Somaliland arrinta Saldhigga cabasho ayey ka muujiyeen oo way diiddan yihiin, markaa kuwaasina ma Soomaaliweyn-baa? Jawaabta Wasiiru-dawlaha; “Maya odhan maayo, cabasho iyo ka horimaad waa  kala laba. Iyagu cabasho ayay muujiyeen oo dawladunna waa u diyaar, kolay waa lala kulmayaa raga halka ka dhaqdhaqaaqayay waan laga wadahadli doonna, waana laga heshiin doonna macaa DP WORLD, haddii ay tabasho jirto. Laakiin kuwaasi la mid maaha kooxda halkan ka hadlaysaa.”

Dad badan oo reer Somaliland ah oo Saaxil deggan, oo Awdal deggan, oo Togdheer deggan oo Sanaag deggan oo Hargeysadan deggan, ayaa diiddan Saldhigga Millateri, markaa ciddii diiddan Saldhigga Millateriba ma Soomaaliweyn-baa Wasiir? Jawaabta Wasiiru-dawlaha; “Waddani bay la mowqif yihiin. Waddani waa Xisbi Mucaarid ah, Awdal illaa badhan buu ka jiraa, kuwaasa diiddani kuwaas bay la mawqif yihiin. Markaa, kuwaa diiddani waa dadkii Waddani baan Annigu u arkaa.”

Gebo-gabadii, Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diirye oo la weydiiyey in markii Kulmiye Mucaaradka ahaa oo sidan oo kale kula kacday Xukuumaddii UDUB oo uu Maxamed Muuse ahaan ka tirsanaa, Siilaanyo cambaarayn jiray, markii uu talada yimina ay soo noqnoqotay arrintii cabbudhinta Xisbiyadu iyo siday siyaasad ahaan isaga ula muuqato, waxa uu yidhi; “Kolbaa cida xilka haysaa ayaa taladda dalka haysa, waajib baanna ka saaran inay xilkeedda gudato iyo sida ay u aragto, sidaasuun bay qoladdaydii UDUB-na xiligaasi. Sababto ah haddii taladda la ii dhiibbo sidaan u arkayo in aan dalka ku horumarinayo ayaan ku dhaqaaqayaa.”

Comments

comments