War Deg Deg Ah: Hal Askari Oo Ku Nafwaayey Gaadhi Raashin Saarna Oo Laga Boobayey

332

Hal askari ayaa ku dhintay oo ku nafwaayay, ka dib markii uu jidhay gaadhi ka cararaayay dad boobayay raashin oo dhagxaan isku shiidayay.

Arinta askarigani ku nafwayay ayaa ka dhacday degmada Dila, iyada oo sababta keentayna ay aheyd ka dib markii la boobay raashin goobtaasi lagu qaybinayay loona qaybinayay dadka hayaanka ah ee soo guurtada ah, ee abaartu geyeysiisay degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Waxaana sidan shabakada wararka ee Hangoolnews u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Dila Ibraahin Cabdi Xaaji oo aanu kula hadaley telefoonkiisa gacanta, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Walaal saaka anaga oo raashin u qaybineynaa dadkii abaaruhu wadeen ee u soo hayaamay gobolada galbeedka gaar ahaan degmada dila, ayaa raaashinka waxa waday qolo Jarmala, waxaanay noo sheegeen in raashinkan loogu talo galay qoysas tiradoodu dhan tahay ilaa laba boqol oo qoys hase ahaate, waxaa kala batay markii qaybintii la bilaabay inta loogu talo galey iyo inta meesha timid, kadibna walaa boobay, dadka meesha yimidna waxaa ay ahaayeen ilaa laba kun oo qoys, intaas ka dibna waala isa shiiday oo tuuryo gacmeed ayaa leysu adeegsaday, gaadiidkiina meesha waa ay ka yaaceen midka mida, gaadiidkii tuuryada dhagxaanta ka cararayay ayaa jiidhay hal askari, halkaasi ayaanu ku dhintay oo dhulka naf lamu gaadhin, meydkiisiina waxaanu u qaadney magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaasi oo aanu aas qaran ugu sameyn doono, abaartuna meel halisa ayay mareysa dadkuna gurmad deg dega ayay u baahan yihiin walaali markaa sidaas ayay wax u dhaceen, noloshuna maalinba maalinta ka danbeysa ayay ka sii adkaaneysaa walaal”

 

Comments

comments