Somaliland: Xukuumadda Oo Abaabulaysa Qorshe Ay Odayaal Saaxil Ka Soo Jeeda Ugu Qaadayso Imaaraadka + Sababta

421

Waxay U Samaysay Baasaabooro Iyo Fiisayaal, Waxaanay Ku Metelayaan Inay Dadka Deegaanka Wakiil Ka Yihiin

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumadda Somaliland ku hawlan tahay qorshe qabyaaladeed oo uu sheegay inay abaabulayso odayaal ka soo jeeda gobolka Saaxil kuwaasoo ay u samaysay baasaabooro isla markaana ay u qaadayso dalka imaaraadka carabta si ay u sheegaan inay metelayaan deegaanka laga samaynayo saldhiga millatari.

Xildhibaan Qabille ayaa arrintaasi ku sheegay mid fadeexad ku ah dawladnimada Somaliland, isla markaana arrintani ay tahay mid qaran oo aan beel laga tashan karin sidoo kalena waxa uu sheegay inay Saxil umadda Somaliland leedahay, waxaana uu qorshahaas ku sifeeyey fashil dawladnimada ku yimi, waxaana uu xukuumadda u soo jeediyey inay is casisho, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“waxaa arrin lala yaabo oo laga yaq-yaqsoodo ah, xukuumaddu markii ay awood u wayday inay umadda qanciso, mid sharci iyo mid aragti siyaasadeed oo ka turjumaya waxanay maalgashiga u bixisay, lafdhabartii Somaliland iyo kaabayaashii dhaqaalaha ay sidaan miidaan dayga lahayn ugu kufeen inay hadana maanta qaab reeraysan odayaasha reer Saaxil marba qado ugu yeedho Madaxtooyadu oo ay arrintaas qaddiyadda guud ah illaa safaaradihii dibadda gashay inay saaka odayaal u yeedho oo ay qoyska baadhaa waa ayaan darro oo ay tidhaahdo deegaankii Berbera sheegta oo intaanu Dubai idin gayno aanu nidhaahno waa kuwan deegaankii, waa ayaan darro waxaa muuqata inay xukuumaddii qaawan tahay”.

Mashruuca saldhiga millatari ayaa fashil ku dhaw kadib markii ay xukuumaddu ku guuldaraysatay inay bulshada u fasirto faa’iidadiisa, sidoo kalena ay tobanaan jeer kala hadleen masuuliyiinta arrintani khusaysaa oo ay kuwa gobolka Saaxil ka soo jeedaa ku jiraan.

Comments

comments