Somaliland: Xiisad Ka Taagan Deegaano Ka Tirsan Buuhoodle + Cali Khaliif Oo Aan Mudo Soo Galin Magaaladda Buu,,

397

Warar Saaka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn soona gaadhaya Wargane ayaa waxay sheegayaan in horjoogaha kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh iyo wafti uu hogaaminayo ay gaadheen magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.

Waxaana horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo Waftigan oo ciidamo maleeshiyaad ah oo abaabulani ay u diideen inay gudaha usoo galaan magaalada Buuhoodle kadib markii ay waftigan dalka Jabuuti kaga qayb galeen wada hadaladii halkaasi uga furmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa waxa la sheegay inay saaka gaadheen magaalada Buuhoodle.

Ciidamadan maleeshiyaadka ah ee abaabulan ayaa ugu hanjabay waftigan inay dili donaan hadii ay gudaha usoo galaan Buuhoodle waxaana ay taasi sababtay in muddo badan ay waftigan ku sugnaadaan deegaano ka tirsan gobolka Sool oo ay kamid tahay deegaanka Widh-widh.

Waftigan ayaa waxa si wayn loogu soo dhaweeyey saaka subaxii hore magaalada Buuhoodle,waxaana arrinkan xalanteeda ka hawl galay cuqaasha,waxgaradka iyo madax-dhaqameedka gobolada Buuhoodle iyo Sool.

Deegaanada Buuhoodle ayaa waxa ka taagan xiisad kacsan oo ay dabada ka riixayaan Maamulka Puntland kuwaas oo si wayn uga soo horjeeda wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo,waxaana ciidamada qaranka Somaliland ay ku ruqaansadeen deegaano ka tirsan Buuhoodle oo ay ka dareemeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo ah kuwa maamulka Puntland.

Comments

comments