Somaliland: Sherkadda DP World Oo Afar Maalmood Kadib Bilawday Tacadiga Shaqaalaha, Kuna Hanjabtay Inay Adeegayaal Carbeed U Yeedhanayso.

298
Somaliland: Dubai's DP World says keen to help develop African port industry
Somaliland: Dubai's DP World says keen to help develop African port industry

Shaqaalaha Waaxda Farsamada Ee Dekedda Berbera Oo Mudaaharaad Xoogan Dhigay, Iyagoo Gubay Astaanta DP World

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dekedda Berbera, gaar ahaan Waaxda Farsamada ee loo yaqaanno MT, ayaa sameeyay dibad-bax ay kaga cabanayaan Maamulka Shirkadda DP World ee Dekedda lagu wareejiyey.

Shaqaalahan oo Is-faham waa’ dhanka Mushaharka ahi soo kala dhex galay Madaxa Shirkadda DP World u qaabilsan Dekedda Berbera, ayaa Dekedda Dibadda uga soo baxay Saaka isla-markaana Mudaharaad ka sameeyay Gudaha Magaalada Berbera, laakiin waxa markii dambe Rasaas ku kala eryey Ciidammada Booliiska oo halkaa gaadhay.

Shaqaalaha waaxda farsamada ayaa mudaaharaadkaasi ay dhigeen ku sheegay in maareeyaha sherkadda DP World Ibraahim Xamaadi uu u sheegay inay ku shaqeeyaan hal milyan iyo shan boqol haddii kale uu shaqaale carbeed uga yeedhan doono dekedda Jamaal Cali ee Imaaraadka Carabta

Mudaaharaadayaasha ayaa goobta ku gubey astaanta ay leedahay shirkada dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekedda ee DP World iyo dharkii ay kaga shaqeynaayeen dekedda, waxaana ay farriin u direen Madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadiisa oo ay ka codsadeen inay cabashadooda wax ka qabato.

Ciidamada Booliska oo goobta mudaaharaadka soo gaadhay ayaa dhallinyaradii iyo shaqaalihii dekedda xabbad ku kala dareeriyey, hase yeeshee Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa sheegay in cabashadii shaqaalaha xal laga gaadhay isla markaana ay labada dhinac isku fahim waayeen dhinaca farsamada, iskana soo xuleen guddi taasoo uu sheegay inay xallin doonto cabashada shaqaalaha.

Mudaahaaraadkan ayaa imanaya kadib afar maalmood oo kaliya markii lagu wareejiyey sherkadda DP World maamulka dekedda Berbera sidoo kalena wararka ka imanaya Berbera ayaa sheegaya in Sherkaddu durba 100% kordhisay cashuuraha laga qaado badeecooyinka dekedda ka soo dega.

Comments

comments