Somaliland: Cali Khaliif Galaydh oo Sheegay inuu Siilaanyo ugu Sad-kordhinayo Bilawga Wadahadalka, Fasirayna Hadal uu Yidhi Oo Qalad Loo Fahmay

678
Khatumo leader Prof Galayd says its time to give peach a chance

Hoggaamiyaha Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa Shaaca ka qaaday inay jiraan Siyaasiyiin Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, Xisbiyada Mucaaradka ah, Golayaasha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo ka kala tirsani inaanay oggolayn, isla markaana raalli ka ahayn wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo oo uu tilmaamay inuu yahay mid ka yimi Madaxweyne Siilaanyo.

Cali Khaliif Galaydh, waxa uu sheegay in ku celcelinta Madaxweyne Siilaanyo ee ah inuu rabo inuu Dadkiisa dhaxal uga tago ay tahay waxa iyagu Khaatumo ahaan ku aqbaleen wadahadalka wejigiisii labaad bishii hore lagu soo gebo-gabeeyey dalka Jabuuti. Waxaanu ka jawaabay hadalkaas oo uu hore uga sheegay Galaydh ahaan Shirkii wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ku dhex-maray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya dhammaadka sannadkii tegay ee 2016-kii, kaas oo macno kale loo sameeyey, isla markaana uu sheegay in si qaldan Bulshada loo geliyey.

“Siilaanyo waa Nin aan aqaanno, waar hadduu yidhi; ‘Dadkaygaan dhaxal uga tegayaa’ yuu dhaxal uga tegayaa Siilaanyo? Hadalkiisa Gaalo iyo Islaamba nooga soo weriyeen, Gaalo ayaa u badan waxa noo sheega. Nimankaa Guddiga Farsamo ee Khaatumo iyo Somaliland Annaga oo wada fadhina ayaan hadalkan idhi; ‘Waar haddaad reer Somaliland tihiin Madaxweynaha Warka laga soo tebinayaa waxa weeye; ‘Dadkayga dhaxal baan uga tegayaa’. Hadda Dadka laga hadlayaa waa ayo ee uu Isagu ka hadlayaa? Waa kuwiisa, haddii kuwiisa dhaxalka uu uga tagaa noqdo Innaga oo Innaguna nabad helna, Innaga lafteennu dhaxalkaas baynu wax ku yeelan karnaa oo saacaas baan wax ka galnay, nabaddii baan wax ka galnay oo Guntiga ayeynu dhiisa iskaga dhignay’.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh oo shalay magaalada Widhwidh oo uu ku sugnaa dhawaanahan ugu warramay Somalinews TV.

Waxaanu Galaydh oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray; “Waar Anigu hadalkaan idhi kaas buu ahaa, waar Sixin wax u sheeg Sixir ka daran’. Waar kuwa Reer Sool iyo Sanaag ee ugu da’da way nee qaar Lixdanka Sano dibedda ku noolaayeen ee dibedda jira, ayaa ugu badan kuwa Warkaa duway. Waar Anigu warkaa ma odhan, Anigu Maan-laawe ma ihi ee intaas baan idhi. Ninka warka duubayey Nin Reer Somaliland ah buu ahaa, TV-gana waxaa laga soo qaadaa hadal yar oo la tifaftiray, xataa hadduu sidaa ku soo baxay Anigu ma odhan.”

“Anigaa ugu sad-kordhinaya wixii Madax soo maray Somaliland iyo Kuwo Hadda jooga oo Axsaabta ah ama Kulmiye laftiisa ah ama Mucaaradka ah, ayaan wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo aan rabin. Waar hadduu Siilaanyo leeyahay; ‘Anaa raba oo Dadkayga ayey dantoodu ku jirtaa oo waxaan ugu tegayaa dhaxal’ Arrintaa Garawsho ayaan ka bixinayaa, Annaguna waxaannu u aqbalnay inaannu wadahadalno waa Warkaa uu ku celcelinayo.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif.

Waxaanu Cali Khaliif Galaydh oo arrintaa sii sharraxayaa uu yidhi; “Markaa, isaga (Siilaanyo) ayaannu rabnaa inaannu tijaabinno inay ka dhab tahay iyo inay tahay War aan Ragga kale, Kuwo Wasiirro ah, kuwo Baarlamaanka ku jira oo leh waxaannu ku abtirsannaa Sool iyo Sanaag, ayaan wadahadalka rabin oo dhaxalka uu sheegayo Siilaanyo la rabin. Waar Ninkaasi (Madaxweyne Siilaanyo) hadalkaas, cidda ugu badan ee igala hadashayna waa Maraykan iyo Ingiriis, labadaas dalba Madax ka tirsan, Diblamaasiyiinta ama kuwo Qaramada Midoobay ahiba Warkaas waa noo soo gudbiyaan. War uu Siilaanyo Dadkiisa hoos ahaan ugu yidhi maaha, ee waa war uu Iyagana ku yidhi, Dadkiisana ku yidhi, Annagu Addis Ababa markaannu isugu nimina uu yidhi; waxaan leeyahay Xaneey ku hadh.”

Comments

comments