Tababare Antonio Conte Oo Dalbaday 200 Milyan Ginni Uu Suuqa Kala Iibsiga Ku Galo Ka Hor Inta Uusan Saxiixin Qandaraas Cusub

136

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa lagu waramayaa inuu dalbaday lacag gaareysa 200 milyan ginno oo uu xagaaga ku galo suuqa kala iibisga iyadoo Blues ay ku soo laabaneyso tartanka Champions League.

Tababaraha Talyaaniga ayaa ku hogaamiyay Chelsea hogaanka Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee kooxda reer London waxaana ay u muuqdaan kuwa horyaalka ku guuleysanaya.

Iyadoo qandaraas cusub loo soo bandhigayo Conte, tababarihii hore ee Juventus ayaa doonaya inuu gacanta ku dhigo lacagta kaashka ah ee uu dalbaday ka hor inta uusan saxiixin qandaraas cusub sida ay qortay The Sunday Times.

Conte ayaa lagu waramayaa inuu doonayo inuu maalgashi ku sameysto kooxdiisa iyadoo Diego Costa iyo Thibaut Courtois lala xiriirinayo inay dib ugu laabanayaan La Liga.

Chelsea ayaa ka maqneyd tartamaya Yurub xilli ciyaareedkan ka dib markii ay ku hungoobeen xilli ciyaareedkii hore inay difaacdaan koobkoodii horyaalka taasoo keentay in Jose Mourinho la ceyriyo xilli ciyaareedka oo socda.

Conte ayaa saxiixay heshiis seddex sannadood ah markii uu imaanayay Chelsea xagaagii, laakiin waxaa la filayaa in qandaraas cusub oo mushahar kordhin ah loo soo bandhigayo ka dib xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay.

Comments

comments