Somaliland: Xummadda Xeerka Ribada, Doodda Xildhibaannada, Digniinta Xubnaha Diiddan, Xigmadda Diinta Ee Alle Ku Xaaraantimeeyey Iyo Xaaladdii Shalay Ee Golaha Wakiillada

315
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

“Nebiguna (C.S.W) waxa uu yidhi; ‘Ribadu waa 72 nooc, ta ugu yari Hooyadaa oo aad ka Sinaysato ayey la dembi tahay’. Xadiis kalena Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu ku yidhi; ‘Hal Dirham ama Doollar Ribo ah Qofka qaataa, waxa uu ka dhigan yahay 63 jeer Qof Sinaystay’.” Digniinta Culimada Somaliland ee Ribada

Buuq iyo Qaylo, ayaa hadheeyey Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib markii Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax oo guddoominayey Fadhiga furay, isla markaana sheegay in qodobbada Ajandaha Kalfadhiga 33-aad ee Wakiillada uu ku jiro Xeerka Baananka Ganacsiga oo jidaynaya 13%/6%-kiiba Ribo ah ama dul-saar ah.

Xildhibaannada oo kuwa Xukuumadda talada haysa iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye taageera qaarkood dabada ka riixayaan, ayey Xubno kale oo Xildhibaannada Wakiillada ka tirsanina ka soo horjeesteen, iyaga oo ku dooday inuu Xaaraan yahay, Diinta Islaamka iyo Dastuurka Somaliland-na aanay oggolayn. Ka sokow Xildhibaannada, waxaa iyaguna Fadhigaa goob-joog ka ahaa Xubno ka tirsan Culimada Somaliland.

Hase-yeeshee, waxa uu Buuqu Cirka isku shareeray markii uu Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golahaas Mudane Baashe oo fadhiga furay sheegay in qodobbada Ajandaha Kalfadhiga 33-aad ee Golaha Wakiillada oo aan weli la ansixin uu ku jiro Qodobka Baananka Ganacsiga ee oggolaanaya Ribada ama Dulsaarka lacagaha ay Bixiyaan Baanankaasi, kaasoo uu sheegay inay Culimadu Masaajiddada Hargeysa kaga hadleen Khudbadihii ay ka jeediyeen Salaaddii Jimce ee shalay, sidaas awgeedna aan la ansixinaynin illaa Goluhu Culimada kala tashado qodobkaas.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo fadhiga guddoominayey, markii fadhiga uu furay, waxa uu yidhi; “Ajandihii 33-aad ee Golaha hal Qodob baa ku jira oo ah qodobka 8-aad oo ka hadlaya Baanka Ganacsiga, Masaajiddada ayaa illaa shalay lagaga hadlay Khudbadihii laga akhriyey (Salaaddii Jimcaha), Xeer la keenay oo la ansixinayey ma jirin. Laakiin, wuxuu ku jiray qodobbada Ajandaha 33-aad ee Golaha, lamana ansixinayo illaa lagala tashado Culimada.” Markaas, ka dib ayuu Guddoomiye Xigeen Baashe dalbaday in loo codeeyo in Ajandaha 33-aad laga saaro qodobka 8-aad ee Ribada iyo in sidaa lagu ansixiyo, waxa oggolaaday 26 Xildhibaan, 11 Mudane way diideen, 5 Xildhibaan ayaa ka aammusay, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu sheegay Mudane Baashe in Qodobbada Ajandaha Kalfdhiga 33-aad ee Golaha Wakiillada oo Xeerka Ribadu ku jiraa ku ansaxay.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaani) oo ka mid ahaa Mudanayaasha ka soo horjeeday in Xeerkaas laguba soo daro ajandaha, waxa uu yidhi; “Xeerkani marka hore waa Xeer markii uu Golaha soo galay Guddi baa loo dhiibay, Guddigii loo dhiibay baan ka mid ahaa Anigu. Markaa, Culimada waddanka Joogto oo dhan baannu isugu yeedhnay oo aan Kooxo kala lahayn oo aan Yaryar iyo Waawayn kala lahayn, wax walba cid baa Illaahay aqoon u siiyey, Dadkii Aqoonta u lahaa ee Diinta Islaamka ilaalinayey baannu u yeedhnay oo aannu ku nidhi; ‘Xeerkan ka warrama’ Warqad siddeed Bayj ka kooban oo Fadwo ah ayey soo dhiibeen, waxay caddeeyeen Xeerkani inuu yahay Xeer Ribo ah, Shareecada Islaamkana uu ka hor-imanayo. Dastuurka Somaliland qodobbo caddaynaya ayaa ku jira, Dastuurka wixii ka hor-yimaaddaa waddankan sharci u noqon maayo.”

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan Golaha Wakiillada, sidoo kalena ka mid ah Sharci-yaqaannada Somaliland oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu ku dooday oo yidhi; “Qodobka 8-aad ee Ajandaha Kalfadhiga 33-aad ku jira ee Xeerka Ribada in gaar loogu codeeyo ayey ahayd. Laakiin, way na jiidhsiiyeen oo waad arkayseen, waxaannu ka cabsi qabnaa inay Berritana na jiidhsiiyaan isaga (Xeerka ribada). Ummadda waxaannu leenahay; Xeerkaasi waa fidmo, Xeerkaasi waa dhibaato. Waxa uu Illaahay yidhi; ‘Qofka Ribada cunayoow dagaalkayga iyo dagaalka Rasuulka u diyaar-garaw’. Markaa, arrinku arrin yar maaha ee waa wax aad u culus. Sidaa daraaddeed, waxaannu Bulshada uga digaynaa iyagoo qaabab kale ku raacaya Dadka Ribadaas wada inay gacan siiyaan.”

Geesta kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan-Dheere) oo difaacay Xeerkaas, ayaa yidhi; “Caalamkaynu la macaamillaa, caalamku ka Islaamiga ah haddaanu ku dhaqmayn ka kale ayuu ku dhaqmayaa. Markaa, sabab loo diido oo looga horyimaaddo Anigu ma garanayo. Waxa ku jira ka kale 13%-kiiba Ribo ah ama Mushqaayad ah (Service), kan kalena waa 6%-kiiba Ribo ah weeye, Dawladaha Islaamka ah oo dhan dalalkooda way ka furan yihiin Bangiyadani. Kii doonaya Bangi Islaami ah inuu tegona wuu tegayaa, Kii doonaya Bangiga Ribawiga ah inuu tegona wuu tegayaa. Annagu waxaannu doonaynaa inaannu ka saarno Ribooyinkaas oo aannu Mushqaayad/ Adeeg lacageed (Service) ka dhigno oo aannu ka saarno haddii uu Dastuurku diiddan yahay taas. Markaa, Bangigu sidaas ayuu ku furmayaa, waana loo codaynayaa, codka haddii lagaga helana sidaas baa lagu laabayaa, haddii kalena sidaas baa lagu hirgelinayaa.”

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cilmi (Dable), ayaa Diiniyan iyo Cilmiyan u faahfaahiyey sababaha uu ku diiddan yahay Xeerkaas, waxanau yidhi; “Aayad Qur’aan ah Ninka beddelaa waa Kaafir, waa Gaal cad. 114-ka Suuradood ee Qur’aanka Kariimka ah ee Illaahay soo dejiyey ee Loox-maxfuudka ku qoran, ayey ku qoran tahay inay Ribado xaaraan tahay, Sharci dembe oo loogu noqonayaa ma jiro, Salafkii Saalixiinta ahaa iyo Culimadii Islaamka mid oggolaaday ma jiro. Waar ma afartan Madaarka marka la yidhaahdo u codeeya u codaynaya ee Qudhunka qaadanaya miyaa la maqlayaa? Maya la maqli maayo, tii Illaahay baa soconaysa, waana xaq.”

“Midna waan idinku kordhinayaa; Nimankii reer Yurub way beddeleen arrinkii Ribada, immika waxay ku odhanayaan Aqalkaas ayaannu kaa iibinaynaa, waa Konton kun oo Doollar, Ribo-na ma leh, waxay fahmeen wixii hortaagnaa, Islaamka Yurub jooga oo dhami wuu wada qaatay. Labada Baan ee halkan ka jooga ee 13-ka dul-saarka ah leh ee lagu marmarsoonayaa waa xaaraan, Muslimka wixii dulsaar ku ah ee dusha laga saaraa waa xaaraan maqdac ah, waddankuna wuxuu leeyahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Dalalka Muslimiinta ee Adduunkuna waxay leeyihiin Mufti (Nin Sheekh ah), immika Wasaarka Diinta iyo Awqaaftu ha keeno Waraaq uu leeyahay Golohoow arrinkaasi waa xalaal ee fuliya, hadduu keeni waayo, waxay ku soconaysaa sidii Illaahay yidhi iyo Dastuurka. Dastuurku ma oggola Ribada, Illaahay ma oggola, Culimada Islaamkuna ma oggola, Annaguna ma oggolin.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dable.

Geesta kale, Xubno ka tirsan Culimada Somaliland oo Fadhigaas shalay ka qaybgalay, ayaa Kulan Albaabbadu u xidhnaayeen la yeeshay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, waxaanay ka warrameen dhibaatada Diineed ee Xeerkani leeyahay iyo waxay Diintu Islaamku ka qabto, iyaga ooo fasiray Aayado iyo Axaadiis sugan oo ku soo arooray Ribada.

Sheekh Axmed Maxamed Food oo ka mid ahaa Culimadaas Fadhiga ka qaybgalay, kulankana la yeeshay Baashe, ayaa Warbaahinta la hadlay, waxaanu yidhi; “Aayadda keliya ee Soddonka Jis ee Qur’aanka ku jirta ee uu Illaahay (SMWT) ku caddeeyey cidda uu dagaal la galayo, waa cidda Ribada gasha ee ku shaqaysata. Nebiguna (C.S.W) waxa uu yidhi; ‘Ribadu waa 72 nooc, ta ugu yari Hooyadaa oo aad ka Sinaysato ayey la dembi tahay’. Xadiis kalena Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu ku yidhi; ‘Hal Dirham ama Doollar Ribo ah Qofka qaataa, waxa uu ka dhigan yahay 63 jeer Qof Sinaystay’.”

Sidoo kale, Xubno kale oo Culimada ka mid ah oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay haddii ay Xildhibaannada Golaha Wakiilladu u damqan waayaan Dadkooda iyo Diintooda oo ay joojin waayaan Xeerkaas oo ay meel-mariyaan inay iyaga laftoodana mustaqbal-darro ku yeelan doonto meel-marintiisu, isla markaana wakhtigan lagu jiro aan loo baahnayn Ribo, Dulsaar iyo Naxariis-darro Bulshada loogu adeego midna, iyaga oo ku dooday marka Dalalka Islaamka laga tago inay waddamadii Gaaladu u soo noqdeen Ku-dhaqanka Shareecada Islaamka dhinaca Baananka oo ay intooda badani tirtireen nidaamkii Ribada, markii ay arkeen dhibaatada Ribadu ku keentay iyo dhaqaale-xumada ay Ribadu sababtay.

Gebogabadii, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Baashe Maxamed Faarax oo Warbaahinta la hadlay markii laga soo baxay kulanka uu la yeeshay Culimada, waxa uu yidhi; “Wixii Diinta Islaamka ka hor-imanayaa waxba kama jiraan weeye. Culimada waannu wadahadalnay, waannu is-afgarannay, waxaan Culimada lagala tashan oo Xeer ah oo Bangi la geynayaana ma jiro. Markaannu Culimada ka wadahadalno waannu is-qancinaynaa, Culimada taladooda ayaannu dhegaysanaynaa, haddii loo bato in waxaasi Ribo yihiin la ansixin maayo. Markaa, dhibaato ma jirto, waannu wadahadalnay, sidaas baannu ku heshiinnay.”

Comments

comments