Muxuu Jurgen Klopp Ka Yiri Awoodda Ciyaartoyda Chelsea & Hanaanka Tababare Antonio Conte?

135

Chelsea iyo Antonio Conte waxey si wadajir ah u qaadanayaan waqti wacan sida uu aaminsan yahay tababaraha reer Jarmal ee leyliya Liverpool Jurgen Klopp.

Si wanaagsan ayey Blues u heysaa hogaanka horyaalka waxeyna haatan 10-dhibcood ka sareysaa kooxaha kusoo wada xiga ee Manchester City iyo Tottenham Hotspur waana xili ciyaareedkii ugu horeeyay tababare Antonio Conte.

Si kastaba Blues waxey gurigeeda kusoo dhaweyn doontaa Man United kulan ka tirsan koobka FA Cup wareegiisa Sideed dhamaadka halka Liverpool ay fiidnimada caawa ah la ciyaareyso Burnley kulan ka tirsan horyaalka Premier Lague.

“Waxey heystaan ciyaartoy fiican iyo macalin fiican. Waana wanaag ku filan” ayuu u sheegay warbaahinta macalin Jurgen Klopp.

“Marka hore waxey abuureen tayo horay u socod leh, kadibna wey adeegsadeen, hadana wey joogteeyeen”

“Waxey ila tahay inaan dhamaanteen isku raaxeyno iney yahiin koox si aad u ah agaasiman. waxey heystaan difaac qibrad leh, dhiirigalin heer sare ah helay kadib wixii dhacay sanadkii hore”

Comments

comments