“Arsenal Waxa Ay U Baahan Tahay Qaliin Weyn, Xitaa Haddii Ay Ka Tagayaan Alexis Sanchez & Mesut Ozil”

78

Kooxda Arsenal waxa ay u baahan tahay isbedelo waa weyn xagaaga, taasna waxa ay noqon kartaa Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil la’aantooda, sida uu sheegay tifaftiraha kubada cagta ee jariirada Daily Mirror John Cross.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa cadaadis weyn ku hoos jira isbuucyadii ugu danbeysay, iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga waxaana dhici karta in weji cusub uu yimaado oo uu keeno ciyaartoy cusub.

Cross oo ah tifaftiraha kubada cagta ee jariirada Daily Mirror oo ka qeybgalayay barnaamijka Sunday Supplement ee ka baxa Sky Sports ayaa sheegay in Arsenal ay u baahan tahay in qaliin weyn lagu sameeyo, islamarkaana xiddigihii ay la soo wareegeen xagaagii ee Granit Xhaka iyo Shkodran Mustafi ay ahaa kuwa si gaar ah loogu niyadjabay.

“Waxaan u maleynayaa in madaxda kooxda ay raadineyso qof dib u soo kicin kara kooxda oo mar kale dib ku soo celin kara booskeeda” ayuu Cross u sheegay Sunday Supplement.

“Waxaan qabaa in kooxdaan ay u baahan doonto qaliin weyn. Sanchez sida cad wuu baxayaa xagaagan feker ahaanteyda. Waxa ay u soo bandhigeen Ozil lacag aad u badan si uu u joogo, welina ma uusan saxiixin qandaraas, taasoo ii tilmaameysa inuu isna baxayo.

“Ka dibna waxa uu u baahnaan doonaa inuu kooxda dib ugu dhiso iyadoo ay ka maqan yihiin labada ciyaartoy ee ugu fiican.

“Xagaagii hore waxaan maqalnay wax badan sida uu Wenger dib ugu dhisayo kooxda, sababtoo ah waxaa soo maray xilli ciyaareed niyadjab leh.

“Waxaana uu la soo wareegay Xhaka iyo Mustafi  oo ahaayeen saxiixyadiisii ugu waa weynaa, waxaana qabaa in labadooda ay noqdeen kuwa lagu niyadjabay.

“Ma hubo iyadoo taas la fiirinayo in Wenger uu hayo tamar uu mar kale isagu dayo inuu dib u dhis kooxda ugu sameeyo.”

Comments

comments