War Deg Deg Ah: Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Bangiyada caalamiga Fadhigii Saaka

331

Fadhigii saaka ee ay yeesheen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa Xamaasad iyo sawaxan badan ka dib markii golahaasi la hor keenay in la ansixiyey ajandaa kal-fadhiga 33 ee golahaas oo dhawaan furmay

Ajandaha kal fadhigan saaka ay ansixinaayeen xildhibaanadu ayaa waxaa u ku jira xeerka ganacsiga Bangiyada caalamiga ah kaas oo sabab u noqdey buuqan saaka hadheeyey golaha

Gudoomiye ku xigeenka golahaas Baashe Maxamed Faarax oo shir gudoominayey fadhigan saaka ayaa waxaa uu cod galiyey anjandaha kal fadhigan waxaa ogolaadey 26 xildhibaan , 11 mudane waa ay diiday , 5 xildhibaana waa ay ka aamuseen sidaas na waxaa ku ansaxay ajandaha kal fadhiga 33 aad ee golahaas oo uu ku jiro xeerka ganacsiga bangiyada caalamiga ahi

Comments

comments