Steven Gerrard & Gary Lineker Oo Isku Raacay Weeraryahanka Ay Tahay Inuu Lasoo Saxiixdo Jurgen Klopp

Steven Gerrard ayaa aaminsan in Liverpool ay tahay iney lasoo saxiixato weeraryahanka kooxda Borrusia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa dhaliyay sadexley taasoo suuragalisay in kooxdiisa ay gaarto wareega Sideed dhamaadka tartanka Champions League, labadaba Gerrard iyo Lineker ayaa bogaadiyay xidigaan heerka caalami isla markaana ay wacan tahay iney Reds hesho.

Aubameyang waxaa si daran loola xiriirinayaa inuu ka tagayo horyaalka Bundesliga, waxaana si daran loola xiriirinayaa Real Madrid, balse falaqeeyayaasha BT Gerrard iyo Lineker ayaa la gaclooday inuu ku haboon yahay Anfield.

“Dhab ahaantii Waa midka ay Liverpool u baahan tahay, miyeysan aheyn Steven” Ayuu Lineker weydiiyay Steven Gerrard iyadoo la wada fadhiyo istuudiyaha BT Sport.

“Haa, balse waa hadii uu sii ahaado qaabkaan, waxaana lasoo xiriiri doona kooxo badan – kaliya maahan Liverpool” ayuu ku jawaab celiyay Gerrard. ”

“Wuxuu weeraraa goolka dhamaan waqtiga isagoo sidoo kale sameeya raacasho sababtoo ah dhaqaaqiisa”

 

Si kastaba Jurgen Klopp ayaa aad u xushmeya xidigaas waxaana loo badinayaa inuu u dhaqaaqi doono madama uu ku xumaaday Daniel Sturridge oo noqday mid aad u dhaawac badan.

Comments

comments