Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka hadley in uu mustaqbalka xisbiga UCID ku wareejin doono wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi

Gudoomiyaha oo uu khadka Telefoonka ku wareystay Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka HCTV isaga oo ku sugan dalka UK waxaa sheegay in arintaasi dacaayad tahay isla markaana hadii uu xisbig UCID cid ku wareejinaayo ay xisbiyadu nidaam ay wax u doortaan oo ay shir weyne wax ku doortaan ee aanay jirin cid la iska doorto

” Arintaasi wax aniga iga soo baxay ma aha xisbiga wareejintiisuna xisbiyadu shir weyne ayey wax ku wareejiyaan oo la isku doortaa ee wax la wareejiyaa ma jirto , markaas hadii wax la wareejinaayo nidaam ayey qaadataa ee waa dacaayadah riqiiska ah uun arintaasi ” ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Comments

comments