Somaliland: Ma Dhabaa Inu Madaxweyne Siilaanyo Waji Kabax Kala Kulmay Jaaliyada Qurbaha Intii U Maqna?

285

“Daahir Rayaale Markasta Oo Uu U Baxo Safar Dibadeed Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Uu Tago Joogta Waa Uu La Hadli Jiray…”Faadumo

Faadumo Siciid Ibraahim oo ah Taliyaha Arimaha Dibada ee Musharaxa Xisbiga WADDANI ayaa Nasiibdaro ku tilmaamantay inaanu Madaxweyne Siilaanyo wax soo dhawayn ah ka helin islamarkaana aanu la kulmin Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Ingiriiska,Waxa ay safarkani Siilaanyo ku tilmaantay dhaqan inagu Cusub oo aanay fahmi karin ujeedkiisa,Waxa ay sidoo kale Bar bar dhigtay Safaradii uu Daahir Riyaale ugu bixi jiray Dibada iyo siduu iskugu taxalujin jiray ee uu ahmiyada u siin jiray La kulanka Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan wadamada uu booqdo. Faadumo Siciid Ibraahim oo Waraysi Khaas ah siisay Wariye Badri Koosaar oo ka hawlgala Tv-ga Caalamiga ah ee Star ayaa waxa ay ugu horayn ka hadashay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Dalka Ingiriiska,Waxana ay tidhi“Nasiib Daro Madaxweyne Dhan Oo Dalkiisii ka Baxay Oo Jaalayadiisii aanay soo dhawayn,oo isaguna aanu soo dhawayn,Aanu la fadhiisan,oo aanu la hadlin,Horta waa Nasiib daro,Maaha wax aynu caadaysan jirnay,Daahir Riyaale Marka uu baxo,ama maalin kasta oo uu Safar dibada ugu baxaba Jaaliyadda Somaliland ee dalka uu tagay joogta waa uu la hadli jiray,Wuu la shiri jiray,Waa uu la fadhiisan jiray,waxa sababtay hadda taasi anagu ma garan karno,Laakiin waa nasiib daro”.
Waxa kale oo ay ka hadashay Mudaharaadkii Jaaliyadda reer Somaliland ka dhigeen Dalka Ingiriiska ee ka dhanka ahaan Saldhiga dalka imaaraatka laga siiyay Berbera waxana ay tidhi“Tan Mudaharaadkana waxa weeyaan Qof kasta oo aadami ahi Xaq ayuu uleeyahay Wax kasta oo uu ka dhiidhiyo ama uu liqi kari waayo inuu Shucuurtiisa uu ku muujiyo,Jaaliyadda London,Waliba London oo Qudha may ahayne Jaaliyadda Goboladda UK oo dhan,Kacdoon shacbi ayaa halkaasi ka dhacay oo ah inay diidan yihiin Saldhigan xaaraanta ah ee la doonayo in la xalaalaysto,Hadaanu Xisbiga WADDANI nahay waanu ku raacsanahay,Sababta oo ah Saldnhigaasi illaa hadda heshiiskiisii mahayno,inay Dawlada Soomaaliya Badh ka tahayna Saamnsaanteedii way muuqataa”.
Waxa kale oo ay ka hadashay Duruufaha qalafsan ee Nololeed ee dalka ka taagan sida Sixir bararka,iyo Abaaraha oo ay ku eedaysay Xukuumadda Maanta jirtaa inaanay waxba ka qaban karin,waxa ay sheegtay in Xukuumaddaasi dhan ee jirta ay dadkaa bakhtiyaya bad baadintooda uu kala wayn yahay Xaqul qalinku,Waxaanay Wax iska waydiisay in Masuuliyiinta Tagay DUBAI aanay ujeedo kale u tagin laakiin ay u tageen Xaqul qalin,wakhti laga dayrinayo noloshiisa Dadka iyo Xoolaha.

Comments

comments