Somaliland: “Cabdiraxmaan Talada Somaliland Waxa Ay Seegtay Malintii Aanu Aniga Isku Dhacnay… Axmed Muumin Seed –

263
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

“Hogaaminta Cabdiraxman Ee Labadayada Nin Ee Reer Awdal Caddaalad Noo Samayn Kari Waayey Ma Reer Somaliland Oo Dhan Ayuu Caddaalada U Samayn Karayaa” Axmed Muumin Seed “

Madaxdhaqameed Miisaan Leh Oo Beeshayda Ka Soo Jeeda Haddii Uu Jiro Oo Cabdiraxmaan La Kulmay Ma Jiraan Hablo Yaryar Iyo Caruur In La Soo Ururiyey Mooyaaane” Axmed Muumin Seed
Guddoomiyihii Garabka Toosinta iyo Cadaaladda ee Xisbiga Mucaarid ah ee waddani Axmed Muumin Seed ee ku biiray xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in taageerada guddoomiye cirro ee magaladda boorame ay saamayn xoogan ku yeelatay markii uu ka tagay, isaga oo tilmaamay sifooyin badan oo muujinaya in ay isku dhintay taageeradi ay reer boorame u yaheen guddooye Cirro markii uu garab socday.

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo khadka Telefoonka ugu warramay wargeyska Saxsansaxo, ayaa waxa uu sheegay in boorame aad looga dareemay hoos u dhaca ku yimid taageeradii uu waddani ku lahaa, isla markaana uu isagu yahay siyaasiga deegaankaas ugu saamaynta badan ee lagu soo hiran jiray markii uu garab socday balse hadda uu taageero la’aan cirro boorame ku tegay.

Axmed Muumin Seed oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Runti ishaa macalin ah oo markii aan anigu guddoomiye xigeenka koowaad ahaa xisbiga waddani sidii loo soo dhaeyn jiray Guddoomiye Cirro iyo sida hadda loogu soo dhaweeyey farqi weyn aya u dhexeeya, waayo waxaan aha anigu shaqsiga ugu taageerada badan gobolka Awdal oo muddo dheer aan siyaasadda ku soo jiray, waxaana tusaale u ah xafladdii aan hargeysa ku qabtah dhamaan salaadiintu way wada joogeen,

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata.”xafladdii booramena waxa ku soo biiray xisbiga kulmiye masuuliyiin fara badan oo aan hogaaminayey oo iska soo casilay, xisbigaasi, ma odhan karo waa reer qudha laakiin waa awdal oo dhan waana rabitaanka shaqsiga taasi, waxaana geyn jiray badhtanka magaaladda oo makhayadaha ayaan geyn jiray oo dadka ayaanu siyaran jiray dadkuna way na daba socon jireen dadka jewigiisa aya laga garanayaa maanta waa la arkayaa sida uu yahay iyo isbedelka weyn ee tageeradiisa ku yimid, waxaana u sabab ah xisbigu laba garab ayuu ahaa oo garabna ana hogaamiya garabna Cirro sidaas ayaa saamayn ku yeelatay tageeradii uu guddoomiye cirrro ku lahaa boorame imikana hoos u dhigtay oo la dareemay, waa waa garab dha haddaanaguna kulmiye ayaanu k biirnay”

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo aanu waydiinay kulanka ay odayaasha beeshiiu la yeesheen guddoo iye cirro in ay jiraan waxa uu kaga jawaabay “Odayaashaydii manta waanu wada joognay aniga halo day oo magic leh ma aha in dadka afka uun wax laga yidhaahdo wax caruur ah in la qaato ama aha halo day oo caaqil ah oo Habar-cafan ah ama Muuse Fiin ah ama Samaroonka kale ah oo la garanayo o meeshaas ka hadlay hadduu jiro yuutubyada ha loo geliyo, waanu ka wada soconaa beeshu waxa ay doonayeen murashax madaxweyne ku xigeen markii ay waayeenna way ka tageen sudaanka guud iyo dhamaan cuqaashuna way ugula socdaan”

Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raciyey “Dadku Haldoor ayey leeyihiine nin siyaasi ah ama madaxdhaqameed miisaan leh oo beeshayda ka soo jeeda haddii uu jiro oo cabdiraxmaan la kulmay ma jiraan hablo yaryar iyo caruur in la soo ururiyey mooyaaane, Cabdiraxmaan Talada Somaliland waxa ay seegtay malintii aanu aniga isku dhacnay ee qaabka caddaalad darrada ah la igu sameeyey,

“waayo haddii aniga iyo ninka walaalkay ah intaanu tartanno codka naloo qaado oo cod la iga helo waddani xisbigaygii ayuu ahaa dhaqaale badan iyo aduun ayaa iga galay iyo tacabba, laakiin markii aan arkay hogaaminta Cabdiraxman ee labadayada nine e reer Awdal ah ee midna xisbiga soo waday midna laba bilod ku jiray caddaalad noo samayn kari waayey ma reer Somaliland oo dhan ayuu caddaalada u samayn karayaa”

Comments

comments