Somaliland: Baanka Berbera oo shaqadiisii hoos u dhacday, DP-WORLD oo Xisaab gaar ah ka furatay Xawaalad Madax banaan iyo Ethoipian Airline oo Isticmaasha Baanka Somaliland

293
Somaliland DP World officials gather in Dubai to Finalize Port Deal
Somaliland DP World officials gather in Dubai to Finalize Port Deal

Waxa Baanka Berbera imika loo Isticmaalaa uun lacago kooban oo ay Maaliyaddu dhigato

Baanka Berbera oo ahaan jiray Baanka ugu camiran Baananka Goboladda Somaliland ayey shaqadiisii hoos u dhacday, kadib markii Lacagtii ka soo xeroon jirtay Dekedda Berbera ay shirkadda DP-WORLD ku shubatay Shirkadda Dahabshiil oo ay si toos u Heshiis ula gashay.

Baanka oo ahaa ka ugu Samxadda badan ayey shaqo ka socotaa galinka danbe oo kali ah, halka galinka hore aanay wax lacag ahi soo galin, maadaama maamulkii Dekedda Berbera ay la wareegtay shirkadda DP-world, taasoo Lacagihii ka leexsatay.

Lacagta ku soo xeroota Baanka Berbera ayaa ah dhaqaalaha ka soo baxa Kastamka oo kaliya, taasoo soo xeroota galinka danbe, halka lacagtii Dekeddu ku dhacdo Xisaab cusub oo ay Dawladda Imaaraat-ku u furatay oo aan soo marin Baanka.

Talaabadda Imaaraat-ku xisaabta gaarka ah ugu furteen lacagta Dekedda ayaan illaa hada wax war ah laga hayn inay ku jirtay Heshiiskii lala galay iyo Inkale, maamulka Baanku-na kamuu hadal, hase yeeshee waxay u muuqataa qorshe xukuumadda Somaliland raali ka tahay oo wali ujeeddadiisu qarsoon tahay.

Baanka Somaliland ayaa lagu tilmaamaa marka la dhaliilayo awoodiisa inaanu lahayn awoodii looga baahnaa, taasoo ah in aanu xidhiidh la samayn karayn Baananka kale ee Dunida, maadaama aan Somaliland la Ictiraafsanayn, hase yeeshee talaabadan xukuumadda iyo DP-WORLD ay kaga leexiyeen Lacagtii ka soo baxaysay Dekedda ayaa u muuqataa mid sii wiiqaysa.

Shirkadda kaliya ee Isticmaasha Baananka Somaliland mid ka mid ah ayaa ah shirkadda Duulimaadyadda Itoobiya, oo lacagaha ay shirkadda Tigidhada u jaraa ay si toos ah ugu xareeyaan baanka Somaliland, taasoo ay talaabo dhiirigalin u ah Baanka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sida Dastiirka Somaliland dhigayo Lacagta rasmiga ah ee laga Isticmaalaa ay tahay Shilling Somaliland-ka, kaasoo qiimo dhac farabadani kaga socda baahida lacagta Doolarka oo ay dadka Reer Somaliland aad ugu tiirsan yihiin, waxaanay taasi sababtay in duruufo dhaqaale xumo oo adagi ay bulshada Reer Somaliland ka soo food-saarto, taasoo ay ahayd Xukuumaddu wax kasta oo ay Sumacadeeda ku ilaalin lahayd inay u Leexiso, halka ay imika ka leexisay lacagihii xoojin lahaa.

Lama garanayo illaa hada qaabka ay Imaaraatka iyo Somaliland u isticmaalayaan dhaqaalaha ka soo baxa Dekedda Berbera, maadaama Somaliland ay ku tiirsanayd dhaqaalaha Dekedda ka soo baxa, isla markaana Dab-damis u ahayd maaraynta xaaladdaha la soo darsa Dalka.

Comments

comments