Maareye Ku xigeenka Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group oo uu weheliyo Maamulaha Shirkada ee Magaalada Berbera. Salebaan Cabdilaahi Cadib, ayaa 30,000 oo Dollar ku wareejisay Duqa degmada Berbera Iyo Guddida Maamulka iyo Dhismaha rugta kutubta Berbera.

lacagtan oo ay shirkada Dahabshiil Group ugu talo gashey dhismaha library-ga guud ee Magaalada Berbera oo hadda maraya gabagabo, waana shirkadii ugu horeysay ee aduun intan leeg ku darsata dhismahan.

waan uga mahadcelinaynaa Maamulka Iyo Mas’uuliyiinta Shirkada Dahabshiil, Waxay qaadeen talaabo fiican oo ay tahay in shirkadaha kalena ay ka deydaan.

 

Comments

comments