Arsenal v Lincoln City – Gunners Oo U Baahan Guul Ay Isku Ilowsiiso Xasuuqii Ka Soo Gaaray Bayern Munich

Kulanka: Arsenal v Lincoln City

Wareega 8da koobka FA Cup

Garoonka: Emirates Stadium

Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore Anthony Taylor

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa cadaadis aad u xun ku hoos jira, waxaana uu la kulmayaa mudaharaadyo isaga ka dhan ah oo ay sameynayaan qeybo ka mid ah jamaahiirta Gunners oo doonaya inuu shaqada isaga tago ka dib 20 sannadood uu kooxda soo hogaaminayay.

Arsenal ayaa isbuucii la soo dhaafay waxa ay markii 7aad oo isku xigta ku hartay wareega 16ka ee Champions League, waxaana ay sidoo kale ka baxeen afarta kooxood ee ugu sareysa Premier League xilli ciyaareedkan taasoo sii kordhisay carada jamaahiirta Arsenal.

Wenger waxa uu u baahan yahay inuu kooxdiisa caawa ku hogaamiyo guul weyn marka ay soo dhaweynayaan kooxda heerka shanaad ee Lincoln City kuwaasoo noqday kooxdii ugu horeysay ee ka baxsan afarta heer ee ugu sareysa kubada cagta Ingariiska ee soo gaarta wareega 8da FA Cup muddo 103 sannadood ah.

Arsenal ayaa koox kale oo heerka shanaad ah ku soo dardartay wareegii kan ka horeeyay waana kooxda Sutton United, waxaana ay u baahan yihiin inay wadada guusha ku soo laabtaan caawa si kalsoonidii ay dib ugu soo laabato.

MAXAA KA CUSUB?

Labada xiddig ee Arsenal Danny Welbeck iyo Alex Iwobi ayaa labadaba la ildaran xumad, waxaana laga yaabaa inay seegaan kulanka caawa.

Gunners ayaa qiimeyn doonta xaalada Mesut Ozil kaasoo xumad ka sheeganayay ka dib guuldaradii Talaadadii ka soo gaartay Bayern Munich.

Kooxda Lincoln waxaa ka maqan xiddiga amaahda ugaga yimid kooxda Peterborough Lee Angol kaasoo seddexleey dhaliyay kulankiisii ugu horeysay Talaadadii laakiin koobkaan uma ciyaari karo Lincoln madaama uu xilli ciyaareedkan u soo dheelay Peterborough.

Xiddigaha booska joogtada ah heysta Nathan Arnold iyo Matt Rhead ayaa shaxda ku soo laaban doona ka dib markii keyd la geliyay bartamihii isbuuca.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-2-3-1): Ospina; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Gibbs; Coquelin, Xhaka; Walcott, Oxlade-Chamberlain, Sanchez; Giroud

Lincoln City (4-4-2): Farman, Habergham, Ragget, Waterfall, Wood; Hawkridge, Power, Woodyard, Arnold; Rhead, Muldoon

MA OGTAHAY?

  • Labada kooxood kulan tartan rasmi ah kuma kulmin tan iyo 1915kii, waana markii ugu horeysay ee ay isku arkaan koobka FA Cup.
  • 26 kulan oo hore u dhexmartay labada kooxood waxa ay dhamaantood ahaayeen horyaalka heerka labaad, iyadoo Arsenal ay badisay 13 jeer, halka Lincoln ay badisay 6 jeer.
  • Kooxda Lincoln waligood garoonka Arsenal kuma badinin, waxaana laga badiyay 10 jeer 13 kulan oo ay soo booqdeen.

Comments

comments