Somaliland: Abaarta iyo Sicir-bararka Iyo Aamusnanta Xukuumadda Siilaanyo Iyo Iyo Is-bar-bar Dhiga Tallaabooyinkii Cigaal Iyo Daahir

434

Cigaal: Daahir Riyaale Oo Madaxwayne Kuxigeen Ahaa Iyo Wasiirradii Xukuumaddu Waxay U Guureen Burco Oo Ay Dhawr Bilood Degenaayeen Si Ay Dadka U Kaalmeeyaan

Siilaanyo: Madaxwaynihii London Ayuu Fasax U Tagay, Wasiirradii DP World ayay Kala Goynayaan Xaqul Qalinkii, Badhasaabadiina Hargeysa Ayay Ku Cawaynayaan

Abaaraha iyo sicir bararka ka jira Somaliland ayaa taariikhda meeshii ugu xumayd maraya, iyadoo ay filashada roobkuna aad u hoosayso.

Kor u kaca sarrifka iyo sicir-bararka ayaa ah mushkiladda ugu wayn ee ka jirta magaalooyinka Somaliland wakhti xaadirkan, waxaana guuldaraystay amarro ay xukuumaddu soo saartay oo ay hore u sheegtay inay ku xakamaynayso sarrifka suuqa, taasoo keentay inay abuurmaan suuqyo madaw oo aan waxba laga qaban karin, iyadoo suuqyadas madaw boqolkii dollar lagu kala sarrifanayo inta u dhaxaysa 900 illaa 1 Millyan oo shillanka Somaliland ah, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu sarrifku intaas ka hooseeyey markii ay xukuumaddu amartay inaan 7000 shilin wax ka badan lagu sarrifi karin 1 dollar.

Amarradii ay xukuumaddu ka soo saartay sarrifka iyo dhibaatooyin ay dusha ka saartay sherkadaha Dahabsiil iyo Telesom ayaa dhamaantood dadka dhaqaalaha falanqeeyaa ay ku sheegen qaar jahli badan ka muuqdo, waxaana ay dhamaan dhaqaalayahada Somaliland saadaaliyeen inuu dhici doono dhulgariir wayn oo dhinaca suuqa ah kaasoo saamayn ku yeelan doono maceeshadda bulshada, maadaama cilladu aanay ahayn Zaad iyo E-dahab balse ay mushkiladdu tahay faraqa u dhexeeya xadiga lacag dollar ah ee suuqa yaalla oo aad uga yar xadiga lacagta Somaliland ee suuqa sarrifka dhex mushaaxaysa.

Saadaashaas aqoonyanka ayaana iminkaba la arkay, hase yeeshee ma jirto wax tallaabo ah oo ay xukuumaddu qaaday ama ay xitaa qaadaysaa, maadaama aanay mushkiladaha ka jira suuqa iyo dhibaatooyinka danyarta illaa hadda wax dareen ah u muujin, mana jiro wax qorshe dhaqaale ah oo laga filan karo xukuumadda talada haysa, bacdamaa ayba yartahay inta aqoonta u leh arrimaha dhaqaalaha.

Geesta kale abaartii ka jirtay gobolada Somaliland ee ay ugu darnaayeen gobolada bariga iyo hawdku ayaa u dhaw inay dadka iyo xooluhba is cunaan, waxaana sii kordhaya baahida ay dadku u qabaan in la caawiyo.

Deegaano ka tirsan gobolka Togdheer oo dhinaca hawdka dhaca ayaa laga soo sheegayaa in dadku anay dhawr todobaad wax cunto ah afka saarin halka deegaanada qaar la sheegay inay saddexdii maalmoodba cunto aan ku filnayn helaan, waxaana xusid mudan inay abaartani saamaynta ugu badan ku yeelatay carruurta iyo haweenka oo itaal ahaan jilcan, sidoo kale goobaha dhaca galbeedka Somaliland ee ay dadku u soo hayaameen ayaa aad looga dayrinayaa xaaladooda nolol ahaaneed iyo caafimaad, waxaana la saadaalinayaa inay si dhakhso ah uga dilaacaan xanuuno ay adag tahay in la daweeyo oo ay ka mid yihii daacuunka kaasoo iminkaba lagu arkay deegaanada bariga qaarkood.

Xukuumadda Somaliland ayaan arrimahaas dhacaya war iyo wacaal ba u hayn, in dalka ay abaaro iyo sicir barar ka jiraana ay maqal uun u tahay, waxaana la yaab ah in Madaxwayne Siilaanyo oo masuulka koowaad ahi oo la sheegay inuu xaalad caafimaad ku jiro uu ku sugan yahay Ingiriiska halka ay wasiirrada badankoodiina ku maqan yihiin dalka Imaaraadka oo ay ka munaaqashoonayaan xaqal qalinkii DP World iyo heshiiska saldhiga Berbera.

Marka dib loo raaco taariikhda Somaliland, xaalad tan la mid ah iyo abaar muuqaal ahaan tan u soo dhaw wali ma dhicin, haseyeeshee wakhtigii allah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ay dalka ka dhacday abaar darani, waxaana markaa dalka la galiyey xaalad deg-deg ah halka xukuumadda inteedii badnayd oo uu hogaaminayay Madaxwayne kuxigeenkii wakhtigaas Daahir Riyaale Kaahin iyo wasiirro tira badani ay u guureen magaalada Burco oo ay gar-gaarka ka wadeen iyagoo halkaas degenaa muddo dhawr bilood ah, balse taas bedelkeeda xukuumadda KULMIYE badhasaabadi gobolada dalka ayaa intoodii badnayd Hargeysa ku cawanayaan inta kalena ay gobolada isaga barjaynayaan, Madaxwayne, kuxigeen iyo wasiirrada iyagana hadalkooda daa.

Comments

comments