Somaliland: Madaxtooyadda Oo Ka Hadashay Warar Sheegaya In Madaxweyne Siilaanyo Ka Biyo-diiday Muddo-kordhintii Guurtida.

102

Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay muddo-kordhintii ay gollaha guurtidu u samaysay xukuumadda, gollaha wakiillada iyo gollaha deegaanka.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Madaxtooyadda Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Madaxtooyadda Axmed Xaashi Cabdi Shiil ayaa sheegay in dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyinku tahay shayga kowaad beesha caalanku ku qiimayso Somaliland waxaanu yidhi “horta marka hore dimuqraadiyadda inaga ayaa dooranay, waxyaabaha ugu muhiimsan ee Somaliland lagu ammaano ee ay ummadu ugu soo jeedsato ee ay kula shaqayso waxa kow ka ah dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyinka xorta ah ee xalaasha ah waan mid aynu ku soo caano maalnay, waan ka xumahay haddii hantaaqooyin ku yimaadaan sababo kasta oo keena markaa horta waa danteena inay dimuqraadiyadda iyo doorasho madax-banaan qabano”

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Madaxtooyadda Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay haddii ay duruufo yimaadaan in gollaha guurtidu yahay hay’adda xaqa u leh muddo-kordhinta waxaanu yidhi “haddii ay duruufo yimaadaan sidan hadda oo kale ay abaaruhu jiraan cidda xaq u leh ee muddo-kordhin samayn karta wa gollaha guurtida, horta sharciyan iyaga u leh wixii ay sameeyaana waa sharci”

Axmed Xaashi Cabdi Shiil Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Madaxtooyaddu Waxa uu sidoo kale ka hadlay muddadii ay ku heshiiyeen saddex xisbi qaran, komishanka doorashooyinka iyo xukuumaddu waxaanu yidh “sida laga warqabana saddexda xisbi qaran waxa ay ku heshiiyeen muddo, muddada qabashadeedana waxa iska leh gollaha guurtida, ta Madaxtooyadda haddii aan soo qaato bil ayay dib uga dhigeen sidii saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu ku heshiiyeen iyaga waxa aan qabaa dhibaato caynkaa ahi kuma jirto laakiin marka aad eegto doorashada Baarlamaanka oo iyadu ahayd mid markii horaba muddo dhaaftay, iminka haddii muddadii la soo jeediyay mid mid kale loogu sii daray kolay waxa aan u arkaa inay dhibaato ku noqonayso horu-socodka dimuqraadiyadda, in kasta oo uu go’aankoodu sharci yahay wakhtiga lagu beegay laftarkiisu xili ahaan su’aal la is weydiin karo”

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Madaxtooyadda Axmed Xaashi Cabdi Shiil ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay warar sheegaya in uu Madaxweyne Siilaanyo ka biyo diiday muddo-kordhinta uu si ku meel-gaadh ah ugu sii wareejinayo ku-xigeenkiisa “Hora waa warar xaq ayay dadku u leeyihiin inay wax iska malo-awaalaan laakiin runtii xaqiiqo ahaan marka aan ka hadlayo waxa aynu ka warqabnaa dee oo saxaafadiinuba makhraati ka tihiin in uu Madaxweynuhu yidhi doorasho dambe gali maayo runtiina way ka go’an tahay in aan doorasho dambe isku soo taagin, sidii ay ugu go’nayd, gollaha guurtida ayuu u gudbiyay mudadii ay saddexda xisbi soo dhigeen, muddadii ay xukuumadda iyo saddexda xisbi qaranka ay isla qaateen bil ayaa lagu daray, bishaan wax rasmi ah uu isagu iminka uga hadlay ma jirto, haddii uu ka hadlay amma uu aragtidiisa ka muujinayo Madaxweynuhu dee marka uu yimaado ayay taasi noqon doontaa” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Madaxtooyadda Axmed Xaashi Cabdi Shiil.

Comments

comments