Somalia: Kulankii Dhex Maray Madaxweynaha Somaliya Iyo Xoghayha Guud Ee Qaramada Midoobey

143

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaadhay si weyna loogu soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, waxana uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres ayaa kulan gaar ah ku qaatay xarunta Xalane ee kutaala garoonka Aadan Cadde, waxa ayna ka wada hadleen abaarta daran ee xiligan ka jirta Soomaaliya ee u dhimanaan dad iyo duunyo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in uu u yimid magaalada Muqdisho qiimeynta xaalada abaaraha ee ka jira Soomaaliya iyo sidii kaalmo caalami ah loogu heli lahaa dadka ay abaarta saameysay.

Comments

comments