Somaliland: Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Xadhigga ka Jaray Xarunta Garabka Dhallinyarada xisbiga

111

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashax Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhiga ka jaray xarunta guud ee garrabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga ee caasimadda Hargeysa.
Munaasibadda xadhig-ka-jaridda oo dhacday maanta, waxa ka qaybgalay ka sakow Guddoomiyaha KULMIYE, masuuliyiinta sarsare ee xisbiga, hoggaanka Garabka Dhallinyarada ee heer qaran, Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, wasiiru-dawleyaal iyo wasiir-ku-xigeenno iyo marti sharaf kale oo badan, waxaanna halkaas laga jeediyey hadallo dhiirrigelinta da’yarta iyo hogo-tusaaleyntooda u badan.

Comments

comments