Man United Oo Ku Garaacday Liverpool Kooxda Ugu Fiican Taariikhda England

282

Manchester United ayaa noqotay kooxda ugu guulaha badan taariikhda ee ka dhisan gudaha dalka England kadib markii ay xalay ku guuleysteen koobkoodii 42aad ee taariikhdooda.

Shayaadiinta cascas ayaa guul ka gaartay kooxda Southampton kulankii EFL Cup final, taasoo la macno ah iney dhaafeen tirada koobabka ee ay abid ku guuleysatay kooxda Liverpool (41).

Zlatan Ibrahimovic ayaa labo gool dhaliyay kulankii Wembley iyadoo uu u dhexeeyay gool uu dhaliyay Jesse Lingard waxayna ku soo guuleysteen koobkoodii shanaad ee League Cup.

United ayaa sidoo kale ku guuleysatay 20 horyaal Premier League, 12 FA Cups, sadex koob oo European Cup ah iyo labo koob oo FIFA Club World Cups, taasoo la macno ah iney hanteen 42 koob oo waa weyn, waxayna hal koob oo weyn dheer yihiin kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Liverpool.

Liverpool ayaa iyaga ku guuleystay 18 horyaal, todobo FA Cups, sideed League Cups, Shan koob oo European cups  iyo sadex koob oo UEFA Cups.

Liverpool ayaa ilaa haatan labo final la gaartay macalin Jurgen Klopp laakin labadii jeerba ku soo fashilmeen iney hantaan hal koob iyadoo ay Man City ay ka qaaday 2016 League Cup halka Europa League ay guuldaro kagala soo kulmeen Sevilla.

Jose Mourinho ayaa noqdya macalinkii ugu horeeyay eetaariikhda United ah ee koob weyn ku guuleysta xili ciyaareedkiisa koowaad wuxuuna sidoo kale soo barbareeyay rikoorkii Sir Alex Ferguson ee hanasha League Cup iyagoo qaaday min afar jeer.

Comments

comments