War Deg Deg Ah: Ma Dhabaa Inay Laba Wasiir Dagaal Gacmo Ka Hadal Ah Dhex Maray?

497

Laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay goor dhaweyd ku kala calaf qaadeen dagaal gacan ka hadal ah iyaga oo ku sugan xarunta baarlamaanka Somaliland.

Labadan wasiira sida ay dad goob joog ah ay shabakada wargane.com u sheegen ayaa kala ah wasiir wasaarada macanta iyo tamarta Xussen Cabdi Ducaale iyo wasiirka wasaarada hawlaha guud Cali Mareexan

Waxaana ay labadan wasiir isku gacan saareen xarunta golaha guurtida Somaliland iyaga oo ku sugan ka dib kulan ay la yeesheen gudoomiyaha golahaas Saleeban Maxamuud Aadan

Sababta Kaliftey in labada wasiir dagaal gacanta ah ku kala calaf qaadan ayaa waxaa ay goob joogayaashu u sheegen Ilaysnews.com in ay tahay markii ay ku kala aragti duwaneed codsi ay u gudbiyeen gudoomiyaha golahaas oo ku saabsana muddo kordhinta xukuumada loo kordhinaayo inta ay noqon doonta

Mid ka mid ah wasiiradaasi ayaa waxaa uu gudoomiye Saleeban Ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo mido 2 (laba) sanadood ah

Wasiirka kale ayaa waxaa uu isana gudoomiyaha ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo oo lagu daro mudadii lagu heshiiiyey muddo 6 bilood oo kale ah

Balse waxaan si cad loo ogeyn labdaasi dalab in uu gudoomiye Saleeban ku gacan seydhay iyo waxaa uu kaga fal celiyey waxaana bulshada Somaliland ay u dhegtaageysaa go,aanka ay golaha guurtidu maalmaha soo socda ka gaadhan muddo kordhin mar labaad loo sameynaayo xukuumada madaxweyne Siilanyo

Comments

comments