Mourinho Oo Weeraray Man City Sido Kalan Ka Sii Cabsi Qaba Kulanka Chelsea Ee AF Cup-ka

176

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax xushmo darro ah u muujin doonin tartanka FA Cup sida Manchester City, inkastoo uu muujiyay sida uu kaga careysan yahay waqtiga uu wajahi doono kulanka Chelsea ee Quarter Finalka FA Cup-ka.

Manchester United waxey la ciyaari doontaa Chelsea wareega quarter Finalka tartanka FA Cup 13-ka March, waana afar maalin ka hor kulanka ay Red Devils ciyaari doonto lugta koowaad wareega 16-aad ee koobka UEFA Europa League.

Jose Mourinho aad buu kaga carooday Stamford Bridge jadwalkaas la ciyaari doono isniinta iyadoo markaas uu fooda kusoo hayo kulanka Europa League.

Manchester City ayey sidaan   oo kale qabsatay markaas oo Manuel Pellegrini uu kulanka FA Cup-ka safay da’yar markaas oo Chelsea ay 5-1 ku xasuuqday, waxeyna markaas isku diyaarinayeen kulan ka tirsan Champions League-ga oo ay la lahaayeen Dynamo Kiev.

Jose Mourinho ayaa ku digtay City, isagoo shaaca ka qaaday inuusan xushmad darro muujin doonin sidii ay sameysay City.

“Aad baan ula yaabay go’aanka la qaato ka hor isku aadka Europa League, sababtoo ah waqti xaadirkaan qofna ma oga kooxda aan la ciyaari doono, halka aan kulanka hore ku ciyaareyno ama kulanka labaadba” Ayuu yiri Mourinho.

“Qiyaas waxaan la ciyaareynaa Chelsea isniin, kadibna waxaan kulanka labaad aadeynaa Russia, Turkey ama Greece?”

“Waxey ila tahay, xiisaha horyaala kooxaha iyo kubadda cagta England, in qofna uusan ka taxadareynin”

“Kulama ciyaari doono chelsea kooxda labaad, kulama ciyaari doono Chelsea kooxda 21-jirada sida Manchester City sameysay sanadki hore, sidaas ma sameyn doono. Waxaa nahay Manchester United”

“Ma sameyn doono inta aan macalinka Manchester United ahay, sidaas kuma sameyn doono FA Cup-ka sababtoo ah FA Cup-ka eed kuma lahan go’aamadaas”

Comments

comments