Jose Mourinho Oo Ku Canaantay Xiddigihiisa Man United Inay Ogaadaan Muhiimada Guusha Ka Hor Kulanka Ay U Safrayaan Leicester City

179

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in qaar ka mid ah xiddigihiisa inay u baahan yihiin inay ogaadaan muhiimada ay leedahay guusha.

Kooxda Man United ayaan laga badinin 14 kulan oo Premier League ah laakiin waxa ay barbaro galeen seddexdii kulan ee ugu danbeysay, waxaana ay miiska kala sareynta kaga jiraan kaalinta lixaad tan iyo 6dii bishii November.

“In loo ciyaaro in la badiyo, in la yeesho mas’uuliyad lagu badiyo iyo in dusha la saarto cadaadiska guusha waa wax ay tahay inay si dabiici ah kuugu dhashaan.” ayuu yiri Mourinho.

“Raga qaar sidaasi ma ahan”

Lix ka mid ah ciyaartoyda kooxda koowaad ee Shayaadiinta Cas Cas kuma guuleysanin koob horyaal ah ama mid heer caalami ah – Luke Shaw, Matteo Darmian, Jesse Lingard, Ander Herrera, Anthony Martial iyo Marcus Rashford.

Mourinho ma uusan magacaabin shaqsiyaad laakiin isagoo saxaafada la hadlayay ka hor kulanka ay berri oo Axad ah u safrayaan Leicester waxa uu sheegay in kooxdiisa ay ku jiraan ciyaartoy “u baahan inay ka baxaan aagooda raaxada ama is ilaalinta halkaasoo ay u maleyaan in muhiimada aysan aheyn guusha.”

Dhanka kale, xiddiga khadka dhexe Bastian Schweinsteiger ayaa lagu soo daray kooxda United ee Europa League ka dib markii laga saaray kooxdii ka qeybgashay wareega group-yada.

32 jirkaan kabtanka u ahaan jiray Jarmalka ayaa haatan ciyaari kara kulanka wareega 32da ee ay la ciyaaraan Saint-Etienne bishaan.

Comments

comments