Somaliland: “Odayaasha Shirshoole Waxaan Leeyahay Annagu Ma Nihin Qolada Caddaysimada Ah Ee Cidlada Nashqadaynaysa”

181

Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey horumarrada ay xukuumaddu ka samaysay gobolka Sool, waxana uu shaaciyey inay xukuumad ahaan wakhti badan geliyeen isku wadka bulshada iyo weliba wada jirkooda.

Maxamuud Xaashi oo khudbad dheer ka jeediyey madal ay wafti uu kamid yahay kula shirayeen waxgarad kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa xusay inay ku hawllan yihiin sidii dadka loo midayn lahaa, isla-markaana meesha looga saari lahaa kala faquuqidoodda, waxana uu yidhi,“Dadka gobolka Sool waanu isugu faaninaa ee uma kala faanino, siyaasadda xukuumaddana kama mid aha inaanu bulshada kala qaybino oo kala qoqobno oo kala dinlo,  haddaanu colaad wadnana madaxaanu isugu wada xidhi lahayne waanu isugu faaninaa oo waanu isugu talinaa, nabadna waanu dhex dhignaa.”

Isaga oo wasiirku hadalkiisa sii wata, ayaa sababeeyey go’aanka ay xukuumaddu gobolka Sool ugu xulatay guddoomiye dhalasho ahaan halkaas kasoo jeeda, xilli inta badan gobollada dalka ay xukuumaan saraakiil deegaanno kale u dhashay,“in badan baa la odhan jirey Laascaanood waa la haystaa dad kale ayaa lagu soo guray Laascaanood inay is xukuntaanu doonaynaa oo Sool inay is xukuntaanu doonaynaa, gobollada dalka badhasayadiisa iyo taliy-qaybeeddadiisa dhammaan waa la isku beddeli jirey, Sool-na siyaasadaas ayey markii hore kamid ahayd, laakiin imika wax baanu ka beddlenay oo Badhasaab reer Sool ah iyo Taliye-qaybeed oo iyada ah baanu usoo magacownay” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Maxamuud Xaashi waxa uu odayaasha deegaanka gobolka Sool ugu bushaareeyey inay xukuumad ahaan ku faanayaan oo ku gorgortamayaan waxqabadka ay deegaannadaas ka hirgeliyeen, waxana uu yidhi,“Odayaasha Shirshoole waxan leeyahay annagu qolada caddaysimada ah ee cidlada nashqadaynaysa ma nihine aqal baanu dhisnay wixii ka dhimmana waanu gufaynaynaa.”

Comments

comments