Lionel Messi & Luis Suarez Oo Xili Ciyaareedkan Ku Tartamaya Abaal Marinta Gool Dhalinta Horyaalka La Ligaha Ee Pichichi

241

Labada xidig ee kooxda Barcelona ka wada tirsan ee Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa ilaa hadda u muuqda kuwo xili ciyaareedkan ku tartamaya abaal marinta gool dhalinta La Ligaha ee Pichichi iyaga oo markale goolal ka dhaliyay kulankii Espanyol ee Catalan Derby. Inkasta oo Messi iyo Suarez ay ku tartamayaan gool dhalinta La Ligaha iyo waliba kabta dahabka ah ee Yurub, haddana tartankooda ayaa ah mid aan u diidayn in ay goolal iska caawiyaan.

Cristiano Ronaldo oo si xoogan ula tartamayay xidigaha isku kooxda ee Messi iyo Suarez ayaan todobaadkan ka soo muuqan horyaalka La Ligaha wuxuuna kooxdiisa la soo qaaday koobka kooxaha aduunka ee Japan ka socday. Lionel Messi ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii Osasuna wuxuuna sidoo kale shabaqa ka soo taabtay Espanyol si uu gool dhalintisa La Ligaha uga dhigo 12 gool waxaana sidoo kale kulankii Espanyol laba gool ka dhaliyay Luis Suarez kaas oo sina yeeshay 12 gool. Ronaldo ayaa ku soo xiga oo leh 10 gool.

MIISKA KALA SARAYNTA GOOL DHALINTA LA LIGAHA:

KAALINTA CIYAARTOYGA KOOXDA GOOLASHA
1 Lionel Messi Barcelona 12
Luis Suárez Barcelona 12
3 Cristiano Ronaldo Real Madrid 10
4 Willian Jose Real Sociedad 9
Iago Aspas Celta Vigo 9
6 Rubén Castro Real Betis 7
Sandro Ramírez Málaga 7
8 Florin Andone Deportivo La Coruña 6
Gerard Moreno Espanyol 6
Yannick Carrasco Atletico Madrid 6
Luciano Vietto Sevilla FC 6
Antoine Griezmann Atletico Madrid 6
Nicola Sansone Villarreal 6
Kevin Gameiro Atletico Madrid 6
Duje Cop Sporting Gijón 6
16 Pedro León Eibar 5
Wissam Ben Yedder Sevilla FC 5
Raúl García Athletic Bilbao 5
Rafinha Barcelona 5
Deyverson Alavés 5
Pablo Piatti Espanyol 5
Álvaro Morata Real Madrid 5
Kevin-Prince Boateng Las Palmas 5
Sergi Enrich Eibar 5
Aritz Aduriz Athletic Bilbao 5
Gareth Bale Real Madrid 5
27 Sergio Ramos Real Madrid 4
Artem Kravets Granada 4
Karim Benzema Real Madrid 4
Roberto Torres Osasuna 4
Jonathan Viera Las Palmas 4
Carlos Vela Real Sociedad 4
Roberto Soriano Villarreal 4
Carlos Carmona Sporting Gijón 4
Celso Borges Deportivo La Coruña 4
Ryan Babel Deportivo La Coruña 4
Neymar Barcelona 4
Sergio Leonardo Osasuna 4
Marko Livaja Las Palmas 4
Rodrigo Valencia 4

Comments

comments