Somaliland: Musharax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Oo Kulan Adag Fooda Isku Daray Iyo Nuxurka Qodobadii Laga Wada Hadley.

231

Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay

Wada Hadal Xasaasi ah oo Cadho Ku ladhnayd oo dhex maray Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland,Ahna Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Mulkiilaha Shirkada Internetka Fabric Optic ee SOMCABLE Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi,iyadoo sida la sheegay si adag uga wada hadlay arimaha siyaasadeed oo ka dhex aloosan labadooda islamarkaana aanay wax is afgarasho ah ka gaadhin.

Illo-Wareedyo u dhuun daloola Arimahani ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro dhawr jeer isagoo keli ah u tagay Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi,islamarkaana uu u sheegay inuu faraha kala baxo arimaha Siyaasada Siiba Xisbiga WADDANI,oo uu ku ekaado Ganacsigiisa, Waxa uu cirro u sheegay sida la sheegay in Reer Walba uu leeyahay Ganacsade la mid ah islamarkaana ay ceeb ku tahay ganacsigiisa iyo sharaftiisaba inuu hanaanka uu u dhaqmayo oo kale uu ku sii socdo,waxa uu Gudoomiye Cirro ku goodiyay in Reerkooduba leeyahay Ganacsato ka hayn wayn, balse uu u diiday inay Siyaasada soo galaan,waxaana uu u sheegay haddii uu waxa uu wado joojin waayo in Si qaawan loo wada hadli doono,isagoo Ganacsade Maxamed Awsicidna sida la sheegay si cadho ku jirtay u daadafiyay Weedhahaasi Cirro ula tagay.

Sida Wararkani nagu soo gaadheen,Gudoomiye Cirro ayaa sida la sheegay Ganacsade Maxamed Awsiciid ugu tagay tiraba saddex jeer oo kala duwan Gurigiisa uu ka degan yahay Magaalada Hargeysa,islamarkaana u geeyay fariimahan kor xusan.

Sida xogahani iftiimiyeen,Waxa arintaasi ku dhaliyay Cirro inuu Gurigiisa ugu tago Ganacsade Maxamed Awsiciid,kadib sida la sheegay markii uu Ganacsade Maxamed Awsiciid farogalin toos ah ku sameeyay geedi socodka Siyaasada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,islamarkaana uu qaab beelaysan ugu gacan haadiyay Masuuliyiin ku jirta Xisbigaasi,arintaasi oo cadho ku abuurtay Gudoomiye Cirro,kuna kaliftay inuu toos ugu tago oo fariimahani gaadhsiiyo,Balse sida lanoo sheegay majirto Wax natiijo ah oo ay isku waafaqeen oo ka soo baxay Kulankaasi, marka laga tago hadalo taag taagan oo ay iswaydaarsadeen.

Warar Kale ayaa sheegaya in Ganacsade Maxamed Awsiciid Lacag ugu yabahoobay Siyaasiyiin ay isku hayb yihiin Oo beesha uu ka dhashay ka soo jeedo kuwaasi oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxaanay wararku sheegayaan inuu qaarkood u balan qaaday Gaadiid qaali ah iyo Lacag haddii ay ka soo baxaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Comments

comments